Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw si rasmi ah u furay shirka madasha wada tashiga qaran oo Maanta ka furmay Muqdisho.
Shirka madasha wada tashiga qaran waxaa uu ka dhacaya xarunta Villa Soomaaliya waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale, Shirka ayaa waxaa iminka goobjoog ka ah madexweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isulwasaaraha Somalia, Madexweynayaasha Maamul goboleedyada.
Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in shirka uu socon doono muddo Laba maalin oo xiriir ah, waxa uuna sheegay inuu qabo rajo ku aadan in maamulada dalka ay ogolaadaan in Xuquuq gaar ah lasiiyo Gobolka Banaadir.
Lama oga waxa kasoo bixi doona shirka waxaase loo badinayaa in Maamulada dalka ay muujiyaan diidmo ku aadan Maqaamka Gobolka Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

