27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Boorsaani oo ku dhawaaqay in xuquuqda gobolka Banaadir la…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusud Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa si kulul uga hadlay dadaalada ay maamul Goboleedyada ugu jiraan in magaalada Muqdisho aan lasiin maqaamkeeda.

Boorsaani waxa uu sheegay inaanu jirin sharci diidaaya in Gobolka Banaadir uu Maamuus ku yeesho Aqalka sare ee dalka waxa uuna tilmaamay in marnaba aysan aqbali doonin in Hooyada dalka laga tago.

Boorsaani waxa uu sheegay in mas’uul dari ay noqoneyso in Gobolada dalka lasiiyo maamuus, sidoo kalane lag tago Muqdisho, waxa uuna carab dhabay in go’aanka noocaasi ah uu noqon karo mid iska horkeena shacabka iyo Dowlada.

Boorsaani ayaa ugu baaqay Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Madasha wada-tashiga Qaran in ay keenaan Xaquuqda dadka ku nool Magaalada Muqdisho islamarkaana Madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada ay ka hadlaan xuquuqda.

Boorsaani waxa uu sheegay haddii ay dhacdo in Gobolka Banaadir loo diido Xuquuqdeeda ay xisaabtami doonaan Shacabka Muqdisho iyo Dowlada, islamarkaana maamulka Gobolka Banaadir uu si ganbasho la’aan ula safan doono shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

”Waan ku celinayaa in Gobolka Banaadir aanan la qadin karin haddii maamulada dalka xuquuq lasiiyay anagu nooma muuqato sharci dhigaaya in Muqdisho ay ka maqnaato”

Haddalka Boorsaani ayaa u muuqanaaya mid shacabka ku nool G/Banaadir lagu tusaayo miisaanka ay leeyihiin dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News