Xeendaabka awoodda Eritrea – Waa ayo shanta nin ee ku hareereysan Isaias Afwerki?

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki waa ninka jaangoynaya dagaalka sokeeye ee Itoobiya ka socda. Waana jiheeyaha siyaasadda gobalka Geeska Afrika.

Xukunkiisa keli-taliska ah ayaa dalkiisa ka dhigay mid dunida inteeda go’doon ka ah, waxaana uu xakameyn adag ku giijiyay muwaadiniinta, isaga oo awoodeynta ciidamada miltariga u arkay sida kaliya oo qaran lagu maamulo.

Isaias oo 76 jir ah, wuxuu talada dalka qabsaday sannadkii 1993. Wuxuuna dalkiisa kusoo hoggaamiyay gacan bir ah. Xisbigiisa Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda ee uu madaxda, ma qaban wax doorasho ah, wuxuuna da’yarta waddanka ku waajibiyay dhibow iyo leyli miltari oo qasab ah inay maraan.

QM ayaa dowladdiisa saartay cuna-qabateyn madaama ay taageero siiso kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Maraykanka ayaa sidoo kale cuna-qabateyn kusoo rogay xisbiga talada haya iyo xoogga dalka madaama ay ku lug yeesheen dagaalka gobalka Tigray ee dalka Itoobiya ka socda.

Eritrea waxay dagaal qaraar Itoobiya kula gashay hanashada xurnimadeeda – iyada oo dal madax bannaan noqotay sannadkii 1993. Xiriirka labada dal ayaa taniyo markaas aad u xumaa. Waxaana jira muran xuduudeed laba waddan ka dhaxeeya oo aan ilaa iyo hadda xal waara laga gaarin.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa durba markii uu la wareegay talada Itoobiya sannadkii 2018, wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday madaxweyne Afwerki. Waxaana labada dal u furmay bog cusub oo iskaashi ah. In yar kaddibna, waxay wadajir dagaal ugu qaadeen ururka TPLF ee qowmiyadda Tigrayga.

Jariiradda The Afrika Report ayaa haddaba warbixin ay qortay ku eegtay ragga ku hareereysan Afwerki oo ah awoodda iyo jaagooyeyaasha siyaasadda Eritrea.

Yemane Gebreab

Yemane Gebreab waa ninka labaad ee ugu awoodda badan Eritrea, kaddib madaxweyne Isaias Afwerki. Wuxuu dalkiisa u qaabilsan yahay arrimaha dibadda. Wuxuu door libaax leh ka qaatay ka qeybgalka Eritrea ee dagaalka ka socda gobalka Tigrey.

Yemane waa diblomaasiga ugu sarreeya ee dowladda Afwerki, wuxuuna u qaabilsan yahay dhaqangelinta siyaasadda arrimaha dibadda. Booskiisa rasmiga ah waa la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha iyo madaxa arrimaha siyaasadda ee Xisbiga talada haya.

Wuxuu katirsanaa xukuumadda muddo soddon sannadood ka badan. Wasiirro badan oo arrimaha dibadda ayaa intuu joogay xilalka isku kala beddelay laakiin isagu wuxuu joogay marwalba daaha gadaashiisa. Wuxuu aadaa meel walba oo wasiirka arrimaha dibaddu uu u safrayo.

Wuxuu asalkiisa kasoo jeedaa gobalka Aksum ee Tigrayga. Wuxuuna ka dhashay qoy sabool ah. Aabbihiis wuxuu ahaa geyfane u taagan qaddiyadda Itoobiya iyo Eritrea oo hal waddan isku ah in la helo.

Yemane wuxuu si qoto dheer ugu dhex jiraa iskaashiga xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya Itoobiya, madaama uu si aad ah wax uga ogyahay dagaalka Tigrayga. Wuxuu la kulmay diblomaasiyiinta dalal dhowr ah Afrika ah iyo Israel si uu uga dhaadhiciyo inay dhankooda ka fududeeyaan cadaadiska caalamiga ah ee dowladda Itoobiya lagu saaray dagaalka Tigreyga.

Hagos Gebrehiwet

Hagos Gabrehiwet waa madaxa dhaqaalaha ee Xisbiga talada haya ee PFDJ. Wuxuu kormeeraa xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha dowladdu leedahay iyo dakhliga guud.

Wuxuu sidoo kale kor kala socdaa howlaha shaqo ee wasaaradda maaliyadda. Hagos iyo madaxweyne Afwerki unbaa gacanta ku haya xogaha maaliyadeed ee muhiimka ah iyo ilaha dhaqaalaha ee dalka.

Hagos Wuxuu kasoo jeedaa deegaanka Tembien oo dhulka Tigrayga ka mid ah.

Waxaas intaas dheer, Hagos waa kormeeraha shirkadaha ka hoos shaqeeya ciiddanka, qodaalka macdanta iyo dhoofintooda. Mashruuca macdan-qodidda Bisha wuxuu il dhaqaale oo sugan u yahay dowladda. Wixii dakhli iyo qarashaad ah wuxuu uga warbixiyaa madaxweyne Isaias.

Wuxuu sidoo kale maamulaa canshuuraha laga qaado muwaadiniinta qurba-joogta ah ee Eritrea.

Yemane Gebremeskel

Yemane waa hoggaanka iyo isku xiraha maamulka sare ee dhammaan xafiisyada wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda. Waa maareeyaha ugu kartida badan ee howlaha hoose ee dowladda iyo sanca-yaqaan.

Wuxuu ahaa wasiirka warfaafinta taniyo sannadkii 2015. Wuxuu noqday hoggaanka shaqaalaha xafiiska madaxweynaha iyo awoodda qarsoon ee jagada madaxweyne-ku-xigeenka dalka.

Wuxuu kasoo jeedaa magaalada Agame ee gobalka Tigrey. Aabbahiis wuxuu ahaa geyfane u taagan la midowga Itoobiya.

Yemane waa sidoo kale waa isha laga helo xogta wararka Eritrea. Wuxuu aad uga firfircoon yahay twitter-ka, oo uu soo dhigaa wararka ku saabsan dowladda iyo madaxda dalkaas booqata.

Abraha Kassa

Abraha Kassa waa madaxa hey’adda Sirdoonka Eritrea. Wuxuu maareeyaa howlaha dabagalka iyo sirdoonka dalka oo dhan. Abraha wuxuu kasoo jeeda koofurta Eritrea.

Waa isu duwaha iyo agaasinka guud ee Taliska Afwerki u qaabilsan howlaha ‘ilbaadinta’ ama basaasnimada oo xattaa ay ku jiraan miltariga dalka. Waxaa jira hoggaanno kale balse sida Abraha uma lahan awood buuxda.

Kamana qeyb ahan go’aamada la gaaro iyo daadejinta siyaasadda gudaha iyo falcelinnada lala wadaago madaxweynaha. Howshoodu kaliya waa inay ku dhaqmaan amarrada lasoo faro.

Tan iyo markii la dhisay Xoogga Dalka Eritrea sannadkii 1970, wuxuu ahaa mid ka madax bannaan hoggaanka siyaasadda. Laakiin si tartiib tartiib ah ayuu gacanta ugu soo galay madaxweyne Afwerki.

Zemhret Yohannes

Zemhret Yohannes waa gaaxda iyo maskaxda lagu maamulo Taliska Afwerki. Wuxuu maareeyaa howlaha barobagaandada ah oo dowladdu ku marinhabaabiso ra’yulcaamka guud iyo hoggaanka cilmi-baarista iyo keydka qoraallada ee Xisbiga talada haya.

Awood sidaas usii buuran malahan; la-kulankiisa madaxweynahana wuu kooban yahay. Wuxuu aragtiyadiisa ku saleeyaa fikirka Marxism-ka. Wuxuuna aad uga soo horjeedaa aragtida imbiriyaalism-ka iyo diidmada in la helo dal Yuhuudda leedahay.

Waa nin ku xeeldheer maleegidda aragtiyada shirqoolka ku saleysan. Waana Masiixi kasoo jeeda koofurta Eritrea.