Al-Shabaab oo soo saartay qoraal ku socda William Ruto

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war ka soo saartay isbedelka ka dhacay waddanka Kenya, waxayna si lama filaan ah uga hadashay doorashadii dalkaasi ee uu ku soo baxay William Ruto oo tartan adag la galay Raila Odinga.

Bayaan ka soo baxay Maktabka Warfaafinta ee Kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ku qornaa luqadda English-ka ayaa lagu sheegay in Kenya ay ka dhacday doorasho si adag loogu tartamay, balse ay haatan heysato fursad ay uga noqon karto duulaanka Soomaaliya, gaar ahaan howlgallada ay xiligan ciidankeeda ka wadaan gobollada dhaca koonfurta dalka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay inay haboon tahay in Kenya ay dib u eegis ku sameyso siyaasadeeda arrimaha dibadda, siiba duullaanka military ee Somalia.

“Doorasho si adag loogu loollamay oo wadanka ka dhacday kadib, Kenya waxay maanta taagan tahay dariiq kalabeyr ah xilli ay Kenyaatigu isku diyaarinayaan in ay xafiiska keensadaan madaxweyne cusub, waxay markale heystaan fursad ay ku muraajaceyn karaan go’aannada siyaasadooda arrimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aanadaas oo uu ugu horreeyo duullaanka sharci darada ah ee ay kusoo qaadeen Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Al-Shabaab ee looga hadlay isbedelka Kenya.

Qoraalka ayaa waxaa kale lagu sheegay in ciidamada Kenya aysan illaa iyo hadda ku guuleysan hadafyadii loo soo galiyey gudaha Soomaaliya, kadib 11 sano oo ay joogaan.

Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in xittaa aysan qaadi karin wax weerar ah ciidamada dalka Kenya, isla-markaana ay ku go’doonsan yihiin saldhigyadooda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Muddo 11 sano ah ayaa laga joogaa markii ay Kenya duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya, ilaa maantadana Kenya kuma guuleysan wax uun ka mid ah ahdaaftii aasaasiga ahayd ee duullaanka, ciidamada military Kenya waxay ku go’doonsan yihiin saldhigyadooda, kama soo baxaan godadka ay gabbadaan xabadda Mujaahidiinta, mana awoodaan inay qaadaan weerar ka dhan ah Mujaahidiinta, halka dhanka kale, Mujaahidiintu ay sii laba jibbaareen weeraradooda aargoosiga ah ee ka dhacaya gudaha Kenya, ayna fuliyeen boqolaal weeraro abaabulan ah oo lagu beegsaday ciidanka Kenya iyo xarumahooda” ayaa markale lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale kooxda ayaa ku hanjabtay haddii dowladda cusub ee Kenya ay ciidankeeda kala bixi weyso gudaha Soomaaliya in ay markale beegsan doono xarumaha waa weyn Kenya.

“Haddii dowladda cusub ee la doortay ay kusii adkeeysato dariiqa dagaalka iyo sii socoshada duullaanka gardarada ah ee Soomaaliya, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ma beegsan doonto oo kaliya ciidamada kusoo duulay wadanka, balse ay weeraro ka fulin doontaa xudunta iyo xarumaha waaweyn ee Kenya Allaah idankii, ilaa inta saliibiyiinta Kenya laga ceyrinayo dhulalka Muslimiinta ee ay kusoo duulleen, Shareecada Allaahna laga hirgelinayo, diinta oo idilna ka noqoneysa mid Allaah oo kaliya u sugan” ayaa lagu yiri.

Hadalkaan ka soo yeeray Al-Shabaab iyo hanjaabadda cusub ee ay u direen xukuumaddda Nairobi ayaa kusoo aadayo, xilli sanadihii dambe ay kooxda kordhisay weeraradeeda Kenya.