Dagaal qaraar oo ka qarxay caasimadda LIBYA ee Tripoli – Yaa isku haya markan?

Tripoli (Caasimada Online) – Isku dhacyo dhex-maray taageerayaasha dowladaha iska soo horjeeda ee Libya ayaa dilay ugu yaraan 32 qof, ayada oo 159 kale ay ku dhaawacmeen, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda ayaa dagaal culus uu ka dhex-qarxay Jimcihii, kaasi oo socday ilala Sabtidii shalay. Waa dagaalkii ugu xumaa ee ka dhaca caasimadda Tripoli tan iyo xabad-joojintii la gaaray 2020.

Xaaladda ayaa deganeyd xalay illaa saaka, balse waxaa jirta cabsi ah in xilli kasta uu dagaalka dib u qarxi karo.

Dagaalka ayaa yimid kadib bilo ay xiisad ka dhex taagneyd taageerayaasha Cabdulxamiid Dabiibah iyo Fatxi Baashaga, kuwaas oo maamulladooda iska soo horjeeda ay ku loolamayaan xukunka dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika.

Maamulka Dabiibah, oo laga aas-aasay caasimadda Tripoli kadib hanaanka nabadeed oo ay ka shaqeysay QM kadib dhammaadkii dagaalkii 2020, ayaa is hortaagay in Baashaga uu xukunka la wareego, ayaga oo ku doodaya in maamulka beddelaya uu ku yimaado doorasho. 

Baashaga ayaa waxaa magacaabay baarlamanka fadhiggiisu yahay bariga dalkaas horraantii sanadkan, waxaana uu taageero ka haystaa Jeneraalka awoodda badan ee Khalifa Haftar, kaasi oo isku daygiisii 2019 ee ahaa inuu qabsado caasimadda uu horseeday dagaal sokeeye.

Fatxi Baashaga, oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, ayaa markii hore meesha ka saaray inuu rabshado u adeegsado inuu la wareego Tripoli, hase yeeshee wuxuu markii dambe tusmeeyey inuu doorbidi karo awood.

Libya ayaa gashay qalalaase kadib markii 2011 la afgambiyey lana dilay kaligii taliyihii hore ee dalkaas Mucamar Qadafi intii uu socday kacdoon dadweyne oo ay taageerayeen Reer Galbeedka.

Kooxo hubeysan oo loo arko kuwa dhex-dhexaad ah ayaa dhammaadkii toddobaadka billaabay inay taageeraan Cabdulxamiid Dabiibah si loo caabiyo isku dayga labaad ee Fatxi Baashaga uu kusoo galayo caasimadda.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyey dagaalka cusub, ayada oo quwadaha caalamka ay ku baaqeen xasillooni.

Howlgalka QM ee Libya ayaa ku baaqay “inay deg deg loo joojiyo colaadda.

Habeenkii Sabtida, Sabiibah ayaa baahiyey muuqaal muujinaya isaga oo ay ku hareeraysan yihiin ilaaladiisa, islamarkaana gacan qaadaya dagaalyahanada taageersan maamulkiisa. 

Dowladda Cabdulxamiid Dabiibah ee Midnimo Qaran ayaa sheegtay in dagaalka uu qarxay kadib markii wadaxaajoodyo looga fogaan lahaa inuu dhiig ku daato caasimadda ay burbureen. 

Fatxi Baashaga ayaa beeniyey in wadahadallo noocaas ah ay dhaceen, wuxuuna ku eedeeyey maamulka “sharci-darrada ah” ee Dabiibah inuu xukunka isku dhejinayo.