UHURU oo ‘is-hortaagay’ in la dhaariyo William RUTO

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Xisbiga William Ruto ee United Democratic Alliance (UDA), Veronica Maina ayaa ku eedeysay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu yahay taageeraha ugu weyn ee ka dambeeya dacwadda maxkamadda sare oo ay gudbiyeen mas’uuliyiinta Xisbiga Azimio la Umoja ee lagu doonayo in lagu baabi’iyo guusha madaxwweyne-nimo ee William Ruto.

Codsigeedii laga gudbiyay Maxkamadaha Sharciga ee Milimani maalintii Jimcaha, Veronica waxay ku eedaysay sii-hayaha xilka madaxtinimada Kenya, inuu gadaal ka riixayo ra’iisul wasaarihii hore ee Raila Odinga iyo musharax madaxweyne ku-xigeekiisa Martha Karua, si doorashadii dhacday 9 Agoosto loogu tilmaamo mid lagu shubtay. 

Raila iyo Karua ayaa doonaya in – William Ruto, oo 15-kii Agoosto lagu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha la doortay, kaddib tartan adag oo doorasho madaxtinimo – laga hor istaago in loo dhaariyo xilka. 

“Nuxurka iyo ujeeddada codsiga hadda la gudbiyay kuma jirto dood maangal ah. Marka labaadna, hey’adaha dowladda oo uu gacanta ku hayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka-sida iskuna heysta inuu yahay Guddoomiyaha qarsoon Isbaheysiga Azimio la Umoja – Mr Uhuru Kenyatta, wuxuu si aan xishood ku jirin uga gaabiyay kaalintiisa. Lamana imaanin wax dadaal ah oo ku aadan in hannaanka loo marayo hubsashada sugnaanshaha natiijada doorasho walba ay qasab tahay gadaasheeda inay dhacdo dhaarinta madaxweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalkeeda. 

Veronica waxa ay faahfaahin ka bixisay in Uhuru uu ku howlanaa qorshe uu ku doonayay in Raila uu ku guulaysto xilka ugu sarreeya Kenya isaga oo adeegsanaya mashiinnada dowladda oo ay ku jirto Agaasinka Dembi-baarista. 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga William Ruto ee UDA, waxay ku adkaystay in dalabyada kooxda Azimio ay ku doonayaan in lasoo saaro macluumaadka ku saabsan muwaadiniinta Venezuela u dhashay ee lagu qabtay Gegida Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ay qeyb ka tahay qorshaha ballaaran oo lagaga hortagayo in Ruto uu xukunka qabto.

Waxay intaasi sii raacisay in dambi-baarayaashu ay ka niyad jabiyeen mas’uuliyiinta Xisbiga Kwanza Kenya – waxayna ku qasbanaadeen inay basaasiin geeyaan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyadooda. 

Uhuru ayay sidoo kale ku eedeysay inuu u adeegsaday madax iyo saraakiil kale si loo caburiyo codbixiyayaasha uuna hoggaaminayo ol’ole hoose oo loogu jiro in Raila loo doorto madaxweyne.  

Sida laga soo xigtay Veronica, taageerada cad oo xoghayayaasha golaha wasiirada ay siiyeen Raila, waxay qeyb ka ahayd qorshaha Uhuru ee xil-wareejintiisa. 

“Madaxweynaha xilka banneynaya wuxuu si siman oo geesinimo leh ugu yeeray shaqalaaha rayidka, xog-hayayaasha, saraakiisha iyo guddoomiyaha golaha deegaaannada iyo ismaamullada inay ka qeyb noqdaan taageerada iyo soo dhaweynta madaxweynaha 9-aad ee Jamhuuriyadda,” ayay tiri. 

“Waxaase daaha gadaashiisa ka socday wax ka duwan afka baarkiisa; waxaa la handaday oo qalabkooda lala wareegay dadka sida dhow ula xiriira xisbiga Ruto, waxaana la bartilmaameedsaday siyaasiyiin, shaqaale, farsama-yaqaanno iyo shaqsiyaad kale oo taageere u ahaa William,” ayay sii raaciyay. 

Veronica markii ay u gudbisay maxkamadda sare ee dalka, waxay garsoorayaasha ay hoggaaminayso madaxa cadaaladda, Martha Koome ugu yeertay inay taageeraan guusha William Ruto. 

Waxay ku adkeysatay in howshu ahayd mid daahfuran oo iska cad. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka ayayna ku amaantay qabashada doorasho lagu kalsoonaan karo.