Xeer ilaaliyaha qaranka oo war cusub kasoo saaray kiiska muranka badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Somalia ay arrimaha Badda Somalia kala hadashay Dowlada Kenya oo uu kala dhexeeyo muran badeed muddo soo jiitamaayay.

Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo ay mala awaaleen shaqsiyaad gaara, isla markaa aanu jirin wadahadal ay Kenya kala galeen muranka Badda.

Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in Dacwada badda Somalia ay weli tahay mid taagan, isla markaana ay Dowlada Somalia dooneyso inay soo celiso xuquuqda Somalia ay ku leedahay badda.

Isagoo ka hadlaayay arrinta Badda iyo wararka ku jira suuq ayuu yiri ‘’Waxa ay dadka qaar meelaha wadaan waxba kama jira Somalia waxa ay dhowreysaa Jawaab laga sugaayo dowlada Kenya oo ku saabsan arrinta badda oo aan horay u gudbinay dulucdeeda’’

‘’Dowlada Kenya waxa ay kasoo Jawaabtay 1802/2018, wixii intaa ka danbeeyay dowlada Somalia ayaa lasiiyay inay kasoo Jawaab bixiso dhankeeda waxaana ku ballansanahay inaan Jawaabta ku geyno 18/06/2018 wixii intaa ka danbeeya Dowlada Kenya ayaa qaadan doonta Jawaab kale’’ ayuu yiri mar uu u waranaayay Voa

‘’Qorshaha waxa uu yahay markii intaa leyskala soo gudbo waxaa la mudeyn doonaa dhageysiga dacwada oo weli qabyo noo ah’’ ayuu yiri isaga oo u waramaayay Idaacda Voa.

Axmed Cali Daahir, waxa uu sheegay in Mowqifka Dowlada Somalia uu yahay mid cad oo aan mugdi ku jirin, waxa uuna cadeeyay in arrintaan uu horay uga hadlay Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, isagoo wixii intaa ka danbeeya ku sheegay mid lagu qodqodaayo Dowlada Somalia.

‘’Wixii haddal ah waxaa horay u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda waxaanu dhankeeya ka xaqiijinayaa in howshu ay tahay mid socta lana filaayo inay soo afmeerto dowlada Somalia marka ay dhamaadan Jawaabaha loo xayiran yahay’’

Axmed Cali Daahir, waxa uu sidoo kale sheegay in haddalka kasoo yeeray Wasaarada arrimaha dibadda Kenya uu yahay mid ay dowlada Kenya ku muujineyso sida ay jeceshahay, hase ahaatee dowlada Somalia ay ku qanci doonto Jawaabaha kasoo bixi doona Maxkamada.

‘’Wasaarada arrimaha dibadda Kenya waxa ay ka hadashay sida ay jeceshahay taana ma khuseyso Somalia, waxaa noo cad mowqifkeena ku aadan inaan ka mirro dhalino soo celinta Badda Somalia’’

Axmed Cali Daahir, waxa uu cadeeyay in rabitaanka Dowlada Kenya uu ahaa in gabi ahaan la hakiyo dacwada Badda, hase ahaatee ay iminkana ku dadaaleyso inay faafiso warar niyad jabinaaya Umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

‘’Muhiimad nooma laha haddalka kasoo yeeray Kenya wayo waxa uu rabitaankeeda ahaa in la joojiyo dacwada marka xaq bey u leedahay inay faafiso warar muujinaaya rabitaankeeda’’

Axmed Cali Daahir, waxa uu cadeeyay in Dacwada ay iminka taalo Maxkamada isla markaana Kenya aanu halkaa waxba ka galin, Somaliyana ay u hogaansami doonto wixii kasoo baxa Maxkmada.

Sidoo kale, Axmed Cali Daahir, waxa uu cadeeyay in Siyaasada Somalia ay tahay in Dacwada Badda Somalia lagu xaliyo go’aanka Maxkamada Caalamiga, wixii intaa kasoo harana aanu dhag jalaq usiin doonin Somalia.

Haddalka Xeer ilaaliye Axmed Cali Daahir, ayaa kusoo beegmaaya xili Wasaarada arrimaha dibadda Kenya ay kiiska dacwada badda Somalia ku sheegtay mid ay si gaara u wada xaliyeen Somalia iyo Kenya, isla markaana laga gudbay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com