Dhageyso: Cameey oo laga duubay cod sir ah (Sirtii Puntland oo banaanka timid)

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo taleefoonka kula hadlayey qurba Joogta Beesha Dhulbahante ee ku sugan debadda ayaa laga duubay cod sir ah oo ku saabsan dagaalka ka socdo Takuraq ee u dhaxeeyo Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey ayaa ugu horeyn codka laga duubay ku sheegayo inay Puntland dagaalkaan diyaarinaysay waqti ku dhow 5 bil isla markaasna lagu bixiyey qarash aad u badan.

Wuxuu sheegay inay Puntland ka go’an tahay sidii ay u qabsan laheyd laascaanood muddo 7 Berri, wuxuuna sheegay in markaas ay Dhulbahante talada wax ku lahaan doonto.

Wuxuu Beesha Dhulbahante ku eedeeyey inay ka jiifto dagaalkaan isla markaasna aysan ku laheyn ciidan badan iyo dhaqaale midne.

Camey ayaa Dhulbahante u sheegay in laga fiican yahay inay tolkooda ka baxaan sida uu hadalka u dhigay isagoo u sheegay inay dad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka yar yihiin daarood intiisa kale, sidaas darteedna loo baahan yahay inay tolkooda wax la qeybsanadaan.

Mar uu ka hadlayey khasaaraha Dhulbahante kasoo gaaray dagaalkaan ayuu ku sheegay in inta uu ogyahay ay dhinteen ilaa 2 askari oo beeshaas kasoo jeedo isla markaasna uu mid kale dhaawac culus qabo kaasoo loo qaaday Magaalada Muqdisho.

Camey ayaa Beeshiisa ku calaacalay isagoo ka codsaday inay dagaalkaan uga qeyb qaataan naf iyo maal isla markaasna dadka debadda joogo ay isku soo daraan lacago xataa haddii ay ahaato Toban Dollar qofkiiba.

Wuxuu tilmaamay in dagaalkaan uu noqon doono midkii Qarniga isla markaasna ciddii aan ka qeyb qaadan ay la mid tahay nin ka qaday dhaxalka aabihiis.

Beesha Dhulbahante ayuu ka codsaday inay dagaalkaan u midoobeen rag iyo dumar, wuxuuna si gaar ah u sheegay in xaaladahaan camal loo baahan yahay Haweenka isla markaasna loo dhiibo lacagta iyo saadka.

Wuxuu Somaliland ku eedeeyey inay dagaal toos ah kusoo qaaday Dhulbahante iyo Darood intiisa kale, midaasna ay aheyd muddo badan mid ay ka gambanayeen balse ay hadda banaanka soo dhigeen.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka laga duubay Camey


Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com