Xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex oogan dowlada Qatar iyo Villa Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Qatar iyo dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay soo kala dhex gashay xiisad diblomaasiyadeed, kadib markii Qatar ay diiday codsi ka yimid dowladda Soomaaliya.

Qatar ayaa diiday dalabka dowladda Soomaaliya ee ku saabsanaa inay shirkadda Talyaaniga ah ee ENI ay joojiso qodis shidaal oo ay ka bilowday dhul badeedka ay Kenya iyo Soomaaliya isku hayaan, iyadoo ay Kenya shirkadan Talyaaniga ah ogolaansho u siisay inay dhulkan muranku ka taaganyahay ka bilowdo qodis.

Shirkadda Qatar Petroleum ayaa saami ku leh shirkadan Talyaaniga ah, waxaanay saamiyada Qatar ee shirkadani u badantahay hawlgalo shidaal baaris ah oo ay shirkadan Talyaaniga ka wado dalal ka tirsan qaaradda Afrika.

Soomaaliya ayaa Qatar ka dalbatay inay ENI kala hadasho joojinta barista shidaal ama Qatar ay kala baxdo saamiga ay ku leedahay shirkadda, haddii aysan sidaas sameyn karin.

Dawladda Soomaaliya ayaa wakhti hore ku eedaysay shirkadan Talyaaniga ah ee ENI inay Kenya ka iibsatay aagag shidaal oo ku yaala dhul badeedka ay ku muransanyihiin Soomaaliya iyo Kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa u aragta dawladda Qatar inay muranka xuduudka badda ee Kenya iyo Soomaaliya ay la safatay Kenya maadaama oo ay shirkadda ENI ee ay Qatar saamiga ku leedahay ka bilowday dhulka lagu muransan yahay qodis, islamarkaana Qatar aysan arrintaas waxba ka qabin.

Sidoo kale, Qatar oo isku dayday inay wada-hadlaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku fashilantay kadib markii Soomaaliya ay ku adkeysatay in maxkamad lagu kala baxo oo aysan arrinta badda wada-hadal ka galeyn.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa khilaafka wadamada gacanka Carabta wuxuu la saftay dawladda Qatar, waxaanu ka diiday isbahaysiga Sucuudiga ee UAE ay ka mid tahay inuu xiriirka u jaro dawladda Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com