Waa dambi weyn beenta loo sheegayo FARMAAJO

Adduunka oo dhan waxaa jira dad jecel in ay madaxda ku dhowaadaan iyaga oo u dhawaanshaha madaxda uga faa’iideysta meel marinta dano u gaar ah ama danaha dowlado kale oo ay daacad u yihiin balse qarsoon oo ay yar tahay cid og xiriirka iyo waxa ka dhexeeya iyaga dowladahaas.

Dadkaasi waxa ay qaataan xilalka la taliyeyaal iyaga oo madaxda kala taliya dhinacyo badan oo kala duwan, waxa suuragal ah in aysan markoodii hore ku barbaarin hay’adda dowladda ama aysan bulshadu aqoon, sidaas awgeed iyaga oo maqnaanshaha labadaas arrimood kafaa’iideysanaya ayay joogaan xafiisyada madaxa iyo xitaa guryaha.

Haddii aad ogtahay iyo haddii kalaba, dhammaan qaladaadka waa weyn iyo kuwa yaryar ee ay madaxdu galaan waxaa jira cid xagga dambe taagan oo talo iyo tigaadba ku lug leh balse aan mas’uuliyadda ka dhalata taladaas  waxba ku lahayn.

Marka ay madaxdu ka hadlayaan dhib jira ama arrin soo socota ama ay tilmaamayaan waxa ay qabteen iyo sida ay u qabteen waxa ay marka hore la kulmaan la-taliyeyaashooda dhinacyada kala duwan, sida Nabadgelyada Qaranka, Qaanuunka, Arrimaha dibadda iwm kaddibna hadba dhinaca ay rabaan in ay ka hadlaan ayay u adeegsadaan macluumaadka  looga sheegay oo lagu daray dareenkooda  jeediyaan.

Tusaale ahaan, madaxweyne Farmaajo ayaa  13-April-2019 waxa uu  degmada Wardhiigley ee magaaladaa Muqdisho ka jeediyey hadal ku saabsan bannaanbaxyada iyo nabadgelyada Muqdisho, hadalkaas uu madaxweynuhu jeediyey waxa ku dheehnaa dareen caaddifadeed iyo caro  aad u sarreeya kaas oo gaarsiiyey madaxweynaha in uu yiraahdo “Dowladda aan madaxweynaha ka ahay waa dowlad Nadiif ah oo aan tuugo ahayn”, ogow ma jiro qof madaxweynaha weydiiyey wax ku saabsan dowladdiisa mana jirto cid muuqata oo si  uun u sheegtay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay ay tahay mid wasaqeysan ama tuugo ah balse waxaa jiray wax isku xiraya dareenka madaxweynaha iyo waaqica yaal dhulka.

Jeedinta khudbadaha qiirada iyo caadifaddu ku jiraan waxa ay ku iman kartaa dhowr sababood oo isku xiran, qaarkood waxa ay ku dhisan yihiin wixii talo iyo macluumaad ah oo ay madaxweynaha siiyeen dadka ku dhow ama la-taliyeyaasha u ah, waxa kale oo iyaguna madaxda halis maamul geilya dadka ay abaabulaan la-taliyeyaasha madaxda iyo saaxiibadooda siyaasadda oo u haysta una sheega madaxda in ay ka shaqeynayaan sidii ay u guuleysan lahaayeen.

Marka sidaas loo dhigo hadalkii madaxweyne Farmaajo ee kusaabsanaa Bannaanbaxyada iyo Nabadgelyada Muqdisho waxa uu ku yimid labadaas sababood middood, sababaha hadaladaas keenana waxaa ugu muhiimsan:-

  1. In La-taliyeyaasha madaxweynuhu ay talo xun iyo xog qaldan siiyeen, tusaale ahaan reer hebel iyo koox hebla ayaa dhibka dhacaya ka dambeysa iyaga oo diiddan dowladda iyo xukunkaaga! sidaas awgeedna  madaxweynuhu isaga oo aan qiimeyn dhimashada dhowr qof oo dhallinyaro ah oo raadinaya nolosha reerahooda islamarkaana Meyd yaal  ayuu jeediyey hadal caadifad iyo ilduuf  ku salaysan  oo aan ku habboonayn xaaladda iyo dadka dhibbanayaasha ah tusaale ahaan hadalka madaxweynaha waxaa kujira:- “Dhowr qof oo qaswadeyaal ah ma aha in ay magac xumo siiyaan dowladnimada Soomaaliyeed! Oo inta soo baxaan oo jidadka qaadaan oo taayerro gubaan! Taayeradu macnaheedu waxay tahay waxaa joogta dowlad kaligitaliye ah! Annagu ma nihin kaligiis taliye, Rabitaankiina ayaan ku nimid, markii aan imaaneynay saad noo soo dhoweyseen waa ogeydeen, markii nala doortay waa na taageerteen, haddana ummadda Soomaaliyeed waa na taageersan yihiin maxaa yeelay dowladdaan dowlad fiican weeye aan madaxweynaha ka ahay, dowlad nadiif ah weeye, dowlad ammaanada illaalisa weeye oo aan tuugo ahayn
  2. Saameynta la-taliyeyaasha iyo saaxiibada siyaasadda ee madaxda ayaa iyaduna ah sabab kale oo madaxda gebi karidda sida in koox dad ah la soo abuubulo loona sii sheego waxa laga rabo in ay u sheegaan ama ku dhahaan madaxda marka ay dhacayaan munaasbadaha waaweyn, tusaale ahaan munaasabaddii 12-April-2019  oo madaxweyne Farmaajo ka qaybg alay ayaa koox rag iyo dumar isugu jirta waxa ay qaadeen Caynaanka haay oo ka mid ah heesihii kacaanka balse madaxweynuhu waxa uu yiri: Heesahaasi waxa ay ahaayeen kuwo hore waxa la rabaa in aa heeso cusub sameyno, ogow dadkaasi isakama maagin in ay madaxweynaha heestaan u qaadaan waxa ay heli kareen in ay heeso kale u qaadaan balse sababta heestaas looga qaaday munaasabaddu waxa ay ahayd xulashada la-taliyeyaasha iyo saaxiibada siyaasadda.

Haddaba dadka u dhow madaxda ee talooyinkoodu ay qaybta ka yihiin go’aanada madaxdu waa in ay ogaadaan in madaxda oo la marin habaabiyo ama been loo sheego ay tahay qiyaano weyn oo ka dhan ah dadka iyo dalka ayna suuragal tahay in adduunka lagu xisaabiyo waana la hubaa in aakhirada la xisaabiyo, ogaadana ma jiro dembi ka weyn ee madaxda been iyo laab la-kac lagula taliyo.

Xigasho: Mustaqbal Radio