Xildhibaan FARMAAJO ku beel ah oo weerar ba’an ku qaaday mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka mid ah xildhibaanada sida aadka ah ugu dhow, kuna beel ah madaxweyne Farmaajo ayaa weerar ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka oo uu ugu yeeray daneystayaal.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ayuu Cabdishakuur ku sheegay in sababta Farmaajo loo mucaaradayo ay yihiin dano siyaasadeed iyo kuwa lacageed oo aan wax shaqo ah ku lahayn danta dalka.

“Haddii Farmaajo uu wax ka qaban lahaa damaca siyaasadeed iyo kan lacageed ee waxa loogu yeeray kooxaha mucaaradka ma aysan iman lahayn qaylada iyo dacaayadda ka dhanka ah maamulkiisa.” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inaysan waxba ku jabneyn in la yeesho fikrado kala duwan, hase yeeshee kooxaha mucaaradka dowladda ay “ajendahooda siyaasadeed ka dhigayaan mid qaran”

“Dadkeena ma qaldi karaan jilayaal aad loo yaqaan” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Cabdishakuur.

Cabdishakuur Cali Mire ayaa aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo, waxa uu ka mid ah siyaasiyiin dhowr ah oo madaxweynaha ku beel ah, kuwaas oo msharuucyo dhaqaale ka faa’iiday qabashada Farmaajo ee xilka madaxweynaha

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo ay sii kordhayaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda, oo isugu jira xildhibaano, madax hore iyo madaxda mamaul goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com