Xiisad u dhexeyso shacabka iyo ciidamada Itoobiya oo ka taagan gobolka GEDO

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya inay maanta ka taagan tahay xiisad u dhexeyso shacabka iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi, kadib markii ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo horleh.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay badnow kusoo rogeen degmada Doolow, sidoo kalena ay isku fidiyeen dhinaca degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale ciidamada ayaa dalbaday in jawaab laga bixiyo weerarkii habeen hore ka dhacay degmada Beledxaawo ee lagu laayay dad kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada oo ku noolaa halkaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale maamulka gobolka ka dalbaday in lagu soo wareejiyo maydadka iyo dhaawacyada, taas oo ay mas’uuliyiintu ka biyo diideen.

Shacabka ayaa dhankooda la sheegay inay kasoo horjeedaan ciidanka Itoobiya, ayna lasoo baxeen hubkooda, si ay uga hortegaan haddii ay tallaabo qaadaan ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inay labada dhinac ku dagaalamayaan gobolka.

Dadka Oromada ee la laayay ayaa gaaray illaa 10 qof, waxaana weerar gaadmo ku dilay dabley hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay hanjabaad kasoo saartay Al-Shabaab