Haweeney saygeeda maanta ku gubtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo kale oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, kadib markii haweeney kamid ah dadka deegaanka ay dab-qabadsiisay saygeeda.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ninka la gubay uu soo gaaray dhaawac halis ah, isla markaana la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ninka uu ahaa askari, isla markaana ay falkaasi kula kacday xaakiisa oo ay isku dhaceen, kadib khilaaf soo kala dhex-galay.

Sawirro laga soo qaaday dhibanaha aayaa muujinaya waxyeelo dabka kasoo gaartay, gaar ahaan caloosha iyo qaybaha dambe ee jirkiisa.

Falkan ayaa argagax ku noqday dadka deegaanka, gaar ahaan ehellada ninka maanta lagu gubay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo hadda lala tacaalayo xaaladdiisa.

Dhacdadaan ayaa noqoneyso tii labaad, ayada oo 26-kii bishii hore degmada Dharkenley lagu gubay Allaha u naxariistee Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed oo seygeeda uu dab-qabadsiiyay, kaas oo ugu dambeyn, isagoo baxsad ah laga soo qabtay gobolada dhexe.

Sidoo kale dhacdo tan lamid ah ayaa laga hortegay, kadib markii Afgooye lagu qabtay nin doonayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga.

Waxaa kasii horrreeyay dhacdo kale oo argagax lahayd, taas oo ka dhacday degmada Qoryooley oo isna nin watay mindi uu ku gowracay xaaskiisa, kaas oo lasoo qabtay.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa iska soo daba dhacaya, ayadoo aan la ogeyn ujeedka iyo cidda ka dambeysa, waxayse noqdeen kuwa xanuun iyo argagax ku reebay shacabka.