Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyo maanta ka dhacay Bakaaraha + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya jug xoogan oo goordhow laga maqlay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo saddex ah ay ku dhaceen gudaha suuqa gaar ahaan nawaaxiga Masjidka Abuu Hureyra, kuwaas oo dhaliyay khasaare u badan dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qaraxyada loo adeegsaday ku dhintay ku dhowaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dhaawacyada ayaa si deg-deg ah loola cararay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo.

Sidoo kale waxaa muddo kooban hakad uu ku yimid dhaq-dhaqaaqii suuqa, waxaana saameyn ku yeeshay weerarka lagu qaaday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay goobaha ay ka dhaceen qaraxyada.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay amniga suuqan oo ay gaysat ciidamo dheeraad ah.

Horay sidan oo kale waxaa weeraro loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday agagaarka madaxtooyada, xarunta baarlamaanka iyo garoonka diyaaradhaa ee Aadan Cadde.