Daawo: Xiisadda magaalada Garoowe oo ka sii dartay

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in ay sii xoogeysatay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo ka dhalatay doorashada golaha deegaanka oo aan weli laga qaban gudaha degmadaasi.

Garoowe ayaa haatan wajaheysa xaalad hubanti la’aan, waxaana si weyn isku haya madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee maamulka Puntland.

Shacabka Garoowe, gaar ahaan kuwa dagan aagga xarunta Baarlamaanka ayaa xalay loo daadiyay waraaqado digniin ah, taas oo loogu sheegayo inay ka guuraan halkaasi.

Digniinta ayaa si toos ah ugu socotay golaha wakiilada oo looga digay inay furaan dastuurka Puntland, maadaama uu maanta u furmayo kalfadhigooda.

Sidoo kale waxaa xalay magaalada ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu qaaday guriga xildhibaan C/qani Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland, kaas oo shalay si adag uga hadlay qabashada doorashada degmooyinka gobolka Nugaal ee aan weli la qaban.

Xildhibaanka ayaa ka badbaaday weerarkan, wuxuuna ku eedeeyay inay ka dambeeyaan xubnaha mucaaradka ee maamulkaasi.

“Weerar la’igu soo qaaday aniga, gurigeyga iyo gaarigeyga waxaa la’iigu horgooyay baabuur weyn oo daaqadda u furan tahay, waxaana kasoo dagay 5 nin oo wajiga xirtay qoryana wata waxaa la’iigu bilaabay xabad laakiin wax igu dhacay ma leh Alxamdulilaah” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Nimankaas waxay lahaayeen ma adigaa dastuur furi kara oo isku dayi kara inaad beri furtid”.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe.

Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.