Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ma waxey sababsan doontaa IKRAAN TAHLIIL?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi waa mid kamid ah dhowr xildhibaan oo Baarlmaanka ku matala Gabadha Nolol iyo geeri lagu la’yahay ee Ikraan Tahliil Faarax, balse XIldhibaan Aamino waxay u hallgantay si ka duwan xildhibaanada labada aqal ku jiray ee ku heybta ah Ikraan.

Xildhibaan Aamina waxay si toos ah u wajahday dhinacyada ku eedeysan kiiskaan, si gaar ah Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo, waxayna si aan leex leexad laheyn u sheegtay in adduun iyo aakhiraba kiiska Ikraan wax laga waydiin doono Fahad Yaasiin oo ah madaxii hore ee hay’adda NISA.

Weli xaaladaa dhinac uma dhicin, waxaana Kooxda Madaxweyne Farmaajo u sawiran in haddii Aamina ay xildhibaan sii ahaato inuusan idlaan doonin kiiska Ikraan oo xitaa gudaha hay’adaha sharci dajinta la isku qabsan doono.

Sida ay noo xaqiijiyeen illo muhiim ah, hoggaanka Villa Somalia waxay Cali Guudlaawe ku cadaadinayaan inuu bixiyo Xildhibaan Aamina Maxamed, sabab waxay uga dhigayaan in Aamina ka tirsan tahay xisbi mucaarad ah, laakiin dooda saxda ah taas maahan.

Qorshooyinka ay Cali Guudlaawe miiska usoo saaraan waxaa kamid ah inuu kursigaas ka dhigo qoondo rag oo uu ka saaro qoondada dumarka.

Si gaar ah, Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa waqti badan gelinayo, sidoo kala Yuusuf Dabageed oo ah hoggaamiye ku xigeenka HirShabelle ayaa kamid ah dadka howshaan lagala hadlay.

Sida muuqata xildhibaanadaan waxay sababsan kartaa sidii ay ugu istaagtay xaq u raadinta Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd madaxii Internet-ka ee Hay’adda NISA taasoo gurigeeda laga watay 26-kii June ee sanadkaan.

Beesha kursiga iska leh waxay xildhibaanad Aamina u tahay sumadoodii ugu wanaagsaneyd ee sanadkaan, maadaama si aan dan iyo cabsi laheyn u wajahday caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil Faarax.

Xubno ka tirsan Beesha kursigaan iska leh oo aan la hadalnay waxay sheegeyn inay 100% ka tahay inay Xildhibaanad Aamina soo celiyaan haddii aan kursigooda loo boobin si lamid ah sidii dhawaan ka dhacday Gobolada qaar.

Hoggaamiyaha HirShabelle Cali Guudlaawe oo kamid ah madaxda maamulada ee inta badan sida haboon wax u xeeriya ayaa la eegayaa siduu u wajaho kursiga gabadhaan la rabo in loo beegsado sidii ay uga hadashay kiiska Ikraan.

Dadka kasoo jeeda HirShabelle ee siyaasadda Cali Guudlaawe isha ku haya qaarkood waxay leeyihiin kursigaan waxaa dul saaran sumcadiisa hoggaamineed maadaama ay shaac tahay cadaadiska lagu saarayo inuu xildhibaan Aamina dhaafiyo kursiga si ay Farmaajo iyo Fahad uga aargoostaan.

Baraaruga bulshada iyo midka reerka dhexdiisa ah ayaa xooggan, balse lama yaqaan waxa ay u goyn karaan Xildhibaanad Aamina Cabdi.

Cali Guudlaaawe dadka sida shaqsi ah u yaqaan waxay ku tilmaamaan nin aad wax u xeeriya oo xaaladaha qaar akhrin kara, laakiin abaal sheegashada kooxda Farmaajo ee ah inay iyaga sabab u ahaayeen inuu noqdo hoggaamiyaha HirShabelle waa culeys aan laga dhuuman karin.

HirShabelle weli ma aysan bilaabin doorashada Golaha Shacabka, wuxuuna Cali Guudlaawe maalmahaan ku jiraa dadaalkii ugu dambeeyey ee lagu xalinayo arrimaha magaalada Beledweyne, waxaana la filayaa in haddii uusan xoogeysan buuqa doorashada in todobaadka soo socdo uu shaaciyo kuraastii ugu horeysay ee Golaha Shacabka.

Meelaha sida weyn loo eegayo ayuu kamid yahay kursiga ay ku fadhiso Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi.