Xildhibaan baaq deg deg ah soo saaray kadib markii la xorreeyey Aadan Yabaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si weyn u bogaadiyay xoreynta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo dowladda u direy baaq deg deg ah.

Xildhibaan Ayuub ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay adeegyada dadweyne si dhakhso ah u gaarsiiso degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal iyo dhamaan deegaanada laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab.

“Waxaan hambalyo u dirayaa geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada dadka deegaanka ee soo hoyey guushan weyn. Waxay mudan yihiin ammaan iyo gacansiin si loo xoojiyo dedaalada dalka looga xoraynayo Khawaarijta Alshabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf.

Waxa uu sii raaciyay “Soomaaliya waxa ay ku jirtaa dagaal qaran oo dalka looga xoraynayo cadawga arxanka daran ee argagaxisada Alshabaab oo in ka badan 15 sano afduub u haysta waddankeenna. Dadka Soomaaliyeed iyo dawladdooda waa in ay iska kaashadaan ciribtirka cadawgan oo hortaagan nabadda, horumarka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in la xejisto dhamaan guulaha laga gaaray howl-galka dagaal ee socda, islamaarkaan maamul daadajin loo sameeyo dhulka la xoreeyo.

Ugu dambeyntiina waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyay sida wanaagsan ee u hoggaaminayo hawl-galka dagaal ee dalka looga sifaynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

“Dhammaanteen waa in aan Madaxweynaha iyo maamulkiisa ku gacansiinnaa hawshan qaran. Soomaaliya waa ka guuleysanaysaa cadawga gudaha iyo kan dibadda insha Allaah. Soomaaliya ha noolaato.”