Guddoomiyaha Kaxda oo fuliyay amarkii MADAALE kadibna xalay sameeyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay fuliyay amarkii kasoo baxay Duqa magaalada Muqdisho ee ahaa in maamullada degmooyinka ay bilaabaan howlgallo lagula dagaalamayo kooxaha ciyaal weerada, kuwa ganacsada maandooriyaha iyo burcadda.

Maamulka degmada Kaxda oo kaashanaya saraakiisha ammaanka ee degmadaasi ayaa xalay howlgallo ka sameeyay xaafadaha Kaxda, kaas oo dad badan lagu soo qabqabtay.

GuddoomiyeCaabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo ka warbixiyey ujeedka howlgalka ayaa sheegay in iyaga oo fulinayo amarka kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ay howlgalkaas sameeyeen, islamarkaana looga hortagayey ciyaal weerada & maandooriyaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka maamul ahaan la socdaan dhibaatada kooxaha ciyaal weerada ku hayaan degmada, islamarkaana ay wax ka qaban doonaan.

Ciidamada ammaanka ayaa intii uu socday howlgalka gacanta kusoo dhigay dad tuhmanayaal ah, kuwaas oo haatan su’aallo ay weydiinayaan laamaha amniga

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan Booliska iyo Nabad Sugidda, hadana waxaa weli kasii dhacaya falal amni darro ah.

Kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay dadaallada ka socdo gobollada ayaa dhankeeda culeys soo saartay caasimada oo maalmihii u dambeeyay ka fulisay weeraro khasaare geystay.