Xildhibaan Iftin: “Farmaajo looma idman inuu facebook madaxda ka dhibaateeyo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa nasiib daro ku tilmaamay in madaxweyne Farmaajo wixii ololihii doorashada kusoo galay wax ka fulay aysan jirin isla markaana codka Soomaaliyeed uu ku helay.

Wuxuu sheegay in madaxweyne halka mid uu ku guuleystay ay tahay inuu baraha bulshada ku bixiyo abaal marino sida dhacday maalin dhexdaas in shaqsiyaad lagu abaal mariyo dacaayado baraha bulshada la mariyay.

“Waa nasiib daro in madaxweynihii ugu shacbiyada badnaa markii la doortay uu ahaa, wixii uu kusoo loobin gareeyay, ballan qaaday ee lagu doortay, hal qodob oo ka fulay ma-leh, fulintiisa waxay noqotay hal maado uu ku guuleystay oo tilmaami karno waxay tahay in baraha bulshada uu abaal marino ku bixiyo sida maalin dhexdaas media-yaha ka arkeyseen, Madaxweyne Farmaajo looma igman in baraha bulshada madaxdii hore iyo maamulada dalka laga dhibaateeyo,” ayuu yiri xildhibaan Iftin Xasan Baasto.

Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha wixii loo igmaday waxaan aheyn inuu abaaray, kuna fashilmay wixii uu balan qaaday.

“Markuu ololeynayay wuxuu ahaa hadalkiisa, dalkaan amni ayaa kusoo celinayaa, koofiyad ayaa gashanayaa nabadoon ayaan ahaanayaa, qofkastoo Soomaaliyeed wax tabanaya waan horfadhiisanayaa, gogoshiisa ayaan ugu tegayaa, tii iyada aheyd Illaahey ma haleysiinin waa daba martay, wuxuuna ogaaday maanta oo waqtiga ka dhamaaday meesha ay taagan tahay,” ayuu yiri Xidhibaan Iftin Xasan Baasto.

Wuxuu intaa raaciyay in madaxweynaha inuusan gadaashisa ka arki karin qof wax qaban karo ama wax badbaadin kara, isagoo tusaale usoo qaatay baaqii guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo ku baaqay shir deg deg ah oo lagu xalinayo dhibaatada siyaasadeed ee dalka ka taagan, taasoo sababtay khilaafka labada aqal oo is-diidan.