Dhaawac iyo boob xoogan oo loo geystay ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Afrika

Cape Town (Caasimada Oline) – Wararka ka imaanayo Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay boob xoogan loo geystay dukaamo ay ganacsato Soomaali ah ku lahaayeen gudaha dalkaasi.

Kooxo burcad Afrikan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen dukaamadaasi, iyaga oo boob kula dhaqaaqay goobahaasi ganacsi oo ay Soomaali lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi burcada ah ay qaateen lacago iyo agabyo lale oo muhiim ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in intii u socday boobka la dhaawacay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida, walow kuwa fudud ay yihiin.

Waxaa sidoo kale mar dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, basle sida caadada ah waxaa halkaasi ka baxsatay burcada.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika, kuwaas oo mar-kasta la kulma tacadiyo dil iyo dhaawac loogu geysto iyo in lagu boobo hantidooda.