Kenya oo xilkii labaad tartan u galaysa, iyada oo GABAR Soomaali ah soo sharaxday

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale tartan adag u galaysa xil muhiim ah, iyadoo kursigaasi ay u sharaxday haweeneyda Soomaaliyeed ee Aamina Mohamed oo sanadkii 2013-kii ay kula tartantal Roberto Azevêdh oo hadda xilkiisa dhamaad yahay.

Kursigaan oo ah madaxa hay’adda ganacsiga adduunka (World Trade Organization WTO), waxaana la filayaa in doorashada xilkaasi muhiimka ah la qabto dhawaan maadaama bisha Agoosto uu xilka ka degayo Roberto Azevêdo.

Xilkaan ayaa waxaa ku tartamaya lix wadan oo kala ah Egypt, Kenya, Mexico, Moldova, Nigeria and South Korea.

WTO oo xarunteeda tahay Geneva waxaa ku mideysan 164 dal oo Mareykanka iyo Shiinaha ay ku jiraan, labadaasi dal oo hadda khilaafkooda uu saameeyay ururka, sababtayna in lasoo dedejiyo codeynta qofkii badali lahaa madaxa xiligaan Roberto Azevêdh.

Lixda musharax ayaa kala ah Wasiirka Ganacsiga Kuuriyada Koofureed Yoo Myung-hee, Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Kenya Aamina Maxamed, ku-xigeenkii madaxii hore ee WTO ee dalka Mexico Jesus Seade Kuri, wasiirkii hore ee arrimaha dibada iyo maalgashiga Nigeria Ngozi Okonjo-Iweala, Diblumaasi hore reer Masar Xamiid Mamdouh; iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Moldovan Tudor Ulianovschi.

Weligeed ma dhicin hoggaamiye WTO oo ka socda qaaradda Afrika inuu qabto xilkaasi, qaaradduna waxay xiligaan jeceshahay in fursad la siiyo.

Si kastaba ha noqotee, waddamada Afrika ayaa ilaa hadda ku guul darreystay inay isku raacaan hal musharrax oo ka yimaada midowga Africa, taas badalkeedna waxaa isbarbar yaacaya seddax musharax oo ka kala socda Masar, Kenya iyo Nayjeeriya.

Aamina Maxamed, 58 jir ah, hadda ah wasiirka ciyaaraha Kenya, horayna usoo noqotay wasiirka arrimaha dibada ayaa intaan xilkaasi Kenya u magacaabin waxay horay u soo aheyd guddoomiyaha golaha guud ee WTO waxayna markii ugu horreysay u tartantay jagadaas 2013. waxaase kaga guuleystay guddoomiyaha xilka ka degaya ee reer Brazil.