Maxkamada ciidamada oo xukuno adag ku riday rag fuliyay weerar culus (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 27-aad ayaa maanta xukun adag oo ciqaab ah ku riday Rag la sheegay inay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Nabad-sugida iyo Millateriga.

Raggan maanta ay maxkamadu ku riday xukunada ayaa loo haystaa weerar ay bishii Maarso 24-keedii ku qaadeen ciidamadaasi oo ku socdaalayey wadada deegaanka Bacada oo isku xirta gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Raggan oo tiradooda dhameyd saddex Nin ayaa waxa ay weerar ku qaadeen ciidamadaasi, iyada oo weerarkaasi ay ku naf waayeen labo ruux oo shacab ah oo lagu kala magacaabo Nashaad Cabdi Salaad Gaabow iyo Hooyo Dahabo Macow Dhoore.

Maxkamadda oo daba socota dacwada ay kasoo gudbisay xeer ilaalinta Raggan, ayaa maanta ku xakuntay xabsi ciidan oo 8 ilaa 10-sanno ah, kadib markii ay ku cadaatay eedeymaha loo hastay, sida ay sheegtay Maxkamaddu.

Waxa kale oo ay Maxkamadu ku xukuntay ragan in si wada-jir ah u bixiyaan magta Marxuumada Hooyo Dahabo, halka haweeneyda kale ay ku amreen inuu bixiyo magteeda guddoomiyaha gobolka Hiiraan.