Xildhibaan iyo Nabaddoon Cabdi Waraabe oo 122 jir ahaa oo geeriyooday

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in nabaddoon Cabdikariin Xuseen oo loo yaqaanay Cabdi Waraabe uu maanta ku geeriyooday magaalada Hageysa.

Cabdi Waraabe oo ahaa 122 jir ayaa waxa uu kamid ahaa Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland.

Xildhibaanka AUN ayaa waxa uu ku geeriyooday goordhoweyd oo maanta ah isbitaal ku yaala magaalada Hargeysa, kaasi oo muddooyinkii u dambeysay lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad.

Cabdi Waraabe, ayaa wuxuu sidoo kale kamid ahaa oo uu kujiray dadkii naadirka ahaa ee lugaha u taagay nabada ka jirta deegaanada Somaliand, isagoona qeyb kasoo qaatay shirarkii lagu dhisay Somaliland.

Xildhibaanka ayaa waxa bulshada reer Somaliland u bixiyeen Aabihii Samaha iyo Nabadda, taasi oo uu ku kasbaday nabadeynta beelo kasta oo is-dagaala iyo ka shaqeynta arrimaha nabada.

AKHRISO TAARIIKHDIISA OO UU DIYAARIYEY WERIYE AXMED SICIID CIGE

“Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) wuxuu ii sheegay inuu ku dhashay taariikh aanu sheegin deegaanka hadda uu ku yaallo garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo miyi ahayd. Wuxuu da’diisa ku sheegay oo ay noqoneysaa hadda 121 sano jir . Xaaji Cabdi waraabe wuxuu ku soo barbaaray yaraantiisa miyiga isagoo geel jire ahaa . wuxuu ii sheegay in naanaysta cabdi waraabe ka raacday kadib markii geeloodii oo laga dhacay uu ka hadhi waayay isagoo yar oo kuray ahaa oo uu soo dhiciyay geelii isagoo qori sitay , kadibna raggii ka dhacayay geelu ay ku yidhaahdeen waar kani waa waraabe kadib markii aan nin ka dilay ayuu yidhi mid kalena ka dhaawacay.

Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu sheegay inuu caaqilnimada beeshiisa uu qabtay bishii u horreysay ee sanadkii 1940 isagoo buu yidhi walaalkay iiga horreeyay caaqilnimada oo aan ka dhaxlay . wuxuu intaa ku daray in caaqilnimada ay ku khasbeen odayaashii reerku anigoo da’deydu yartahay iyagoo ii arkay nin nabad talis ah oo qaban kara jagaasi inkastoo buu yidhi rag iga waaweyni jireen reerka.

Wuxuu sheegay xaajigu in madaxnimada loo tashan jiray oo aanay ahayn sidan iminka. Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu iiga sheekeeyay raadraaca beeshiisu ku dooratay ee ay u tixgeliyeen xilkaasi caaqilnimada in loo doorto isagoo yar. Wuxuu sheegay in shir la qabtay oo rag la raaciyay isaga inta qori la siiyay oo lagu yidhi “ orodoo soo dil ninkii aabahaa dilay oo reer kale ahaa “.. waxaan u tagnay buu yidhi xaajigu ninkii gurigiisii , wuxuu nagu yidhi maxaa dooneysaan ?..waxaan ku nidhi geel cararay ayaan dooneynaa ..ninkii wuxuu nagu yidhi buu yidhi caawa fadhiista oo aan idin marti geliyo berito ayaydin beesha dhex mari
ee .. wuxuu sheegay Xaaji Cabdi Waraabe in ninkii aabahay dilay ee aan u socday in aan dilo uu wan noo qalay oo googol noo dhigay hargo iyo saamo ka samaysan.. roob ayaa yimid kadibna aqalkiisii ayaannu ka galnay oo xaaskiisii iyo gabadh yar oo ay ku curteen markaasi haysta ..qoryaha xabbadii ayaa dhuunta noogu jirta ayuu yidhi xaaji cabdi waraabe aannu rabnay in aanu ku dilno ninka na marti sooray ..daroorintii roobka wuxuu madaxa iga saaray ayuu yidhi masallihiisii ninkaasi ..markii roobkii qaaday ayuu ninkii xoolihii u sii daayay si ay xareedda roobka uga cabbaan ..ragii ila socday ayaa igu yidhi buu yidhi xaajigu ina keen imika ayuu daganyahee aad ku dhuuga cararnee ..

Xaaji CabdiWwaraabe wuxuu sheegay inuu ugu jawaabay raggii isaga la socday “Waar mi ninka daroorin ii quudhi waayay ayaan xabbad u quudhaa “… halkaasi ayaa uu Xaaji Cabdi Waraabe magac iyo sharaf ku helay oo deegaankii oo dhami isu sheegay .. waxaana dhacday in gabadhii yareyd ee uu ku curtay ninka uu rabay inuu diloo xaajigu la siiyay oo uu sugayay ilaa ay ka qaan gaadheysay oo uu guursaday oo caruur badan oo hana qaaday ay u dhashay Xaaji Cabdi Waraabe .

Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu sheegay inuu xusuusto xafladdii loogu dhigay boqoradda dalka Britain quen Elizabeth 1953 gurigii dowlada state house ee Hargeysa . Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii golaha guurtida Somaliland isagoo shirweynayaashii nabadeynta beelaha iyo dhisidda dawladnimada Somaliland qayb weyn ka soo qaatay.

Cabi Waraabe wuxuu sheegay inuu la soo shaqeeyay madaxdii soo martay somaliya iyo somalinad-ba sida: Adan Cadde, Cabdirashiid Cali sharma’arke , Maxamed Siyaad Barre , Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo , iyo Muuse Biixi Cabdi.

Xaaji Cabdi Waraabe in badan ayaan wareystay oo kulanay waxaan ka bartay wax badan xagga dhaqanka iyo taariikhda siiba soomaalida . wuxuu ii sheegay inaanu isagu weligii ku talin in la dagaallamo oo uu madaxdii soomaalida oo dhan saaxiib la ahaa, laakiinse buu yidhi markii diyaarado iyo madaafiic lagu duqeeyay magalaada hargeysa ee uu deganaa 1988 oo dadkii ay laayeen ciidankii dowladdii somaliya ee difaacooda loo qoray uu markaasi go’aasaday in uu dagalkii SNM la safto oo uu difaaco naftiisa , dadkiisa iyo dalkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com