Xildhibaan ka tirsan BF oo la saftay Kenya, weerarna ku qaaday DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa warbaahinta Kenya siiyey hadallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, isaga oo taageero u muujinaya Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhaxeyso labada dal.

Xildhibaan Ilyaas ayaa u sheegay wargeyska The Standard in dowladda Soomaaliya aysan la tashan aqalka sare “ ka hor inta aysan iib-geyn xirmooyinka shidaalka”

Ilyaas oo ah guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee Aqalka Sare, ayaa sidoo kale warbaahinta kale ee Kenya ay kasoo xigatay bayaan oo ku sheegay in tallaabada dowladda Soomaaliya “ay ku iib-geysay xirmooyin shidaal oo dal kale uu leeyahay ay jebineyso sharciyada dalka.”

Waxa uu sheegay in Kenya ay Soomaaliya u gashay abaal weyn.

“Kenya waxa ay marti-gelisaa xerada qaootiga ee ugu weyn dunida, oo dadka ugu badan ee ku jira ay yihiin Soomaali. Sidoo kale bulshada ganacsatada ugu badan ee Soomaalida ah waxay ku sugan yihiin Nairobi” ayuu yiri Ilyaas.

Sidaas darteed, buu yiri, xiriirka oo xumaada waa mid dhib ku ah labada dalba.

Waxa uu hoos u dhigay saameynta xiisadda diblomasiyeed ee labada dal, wuxuuna rajo ka muujiytey in is-faham darrada labada dal la xalin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com