Xildhibaan Muqdisho lagu dhaawacay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Xaafada Taleex ee Degmada Hodan, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay dhaawac u geysteen Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Xildhibaan Khaliif maxamed Xaaji, ayaa waxa uu warbaahinta u Cadeeyay in Kooxo aan la garaneynin waxa ay yihiin ay goor dhow Xaafada Taleex dhaawac ugu geysteen Xildhibaan magaciisa lagu sheegay C/laahi Xasan oo ah Habdhowraha Baarlamaanka dalka.

Waxa uu sheegay in dhaawaca Xildhibaanka kadib ay kooxda goobta ka baxsatay sida uu sheegay Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji, waxa uuna Tilmaamay in gabi ahaanba bur-buray baabuurkii uu watay Xildhibaanka la dhaawacay oo dhaawiciisa loo adeegsaday rasaas.

Dhaawaca xildhibaanka ayaa waxaa hadda loola cararay Xarumaha Caafimaadka, waxaana laga deyrinayaa Caafimaadka Xildhibaankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com