C/WELI oo Jawaab cajiib ah ka bixiyay qoraalkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cabdi-weli Sheekh Axmed ayaa waxa uu goor dhow Jawaab cad ka bixiyay War-saxaafadeedkii kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia waxa ayna jawaabtiisu u qorneyd sida tan:-

“Hannaanka dawladnimo iyo haykalka siyaasadeed ee dalka soomaaliya waa mid maraya meel xasaasi ah,waxaana haboon in la dhawro dastuurka & sharciga dalka u degan.

Masuulka kasta oo maqaam sare ka haya dawlada federaalka ah ee Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inuu si wadanimo, geesinimo & hawlkarnimo leh u guto waajibaadkiisa shaqo.

Lama joogo Waqtigii shaqsiga la jeclaysan jirey, balse waxaa la joogaa Waqtigii Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadda lixaadka leh haysato la badbaadin lahaa.

Waa dhamaaday Waqtigii Isjiid-jiidka iyo Siyaasadda qallafsan lagu dhaqmi jirey.

Waxaana Golaha Wasiiradda iyo Xukuumadda looga fadhiyaa inay laba jibaaraan Hawlaha shaqo si dalku marxalladaha uu marayo looga gudbo, loona qabto shaqo adag oo na hortaal.

Ra’isul-wasaaraha waxa uu Qoraalka uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay facebook soo dhigay : ”Shacabka Soomaaliyeed waa dad jecel nabadda, horumarka iyo Dowladnimadda, waana dad doonaya inay ka soo kabtaan dhibaataddii muddada badan soo jiitamaysay, mana dhici doonto in Shacabka Soomaaliyeed la caburiyo masiirkooda iyo rabitaankoodana laga horyimaado.

Hadal yar, Hawl badan iyo Hannuunsanaan baa inoo ballan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com