“C/Weli waxa uu mudan yahay in lagu daydo talaabadiisa” Sidaa Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Ladhiif oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay go’aanka Ra’isulwasaaraha DF uu ku sameeyay Isku shaandheynta Golaha wasiirada.

Xildhibaan Cabdi Ladhiif oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in isku shaandheyntii uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda ku sameeyay golihiisa wasiirada ay tahay mid uu qabo dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka u yaala.

Waxa uu sheegay in tallaabo mudan in lagu daydo ay tahay ficilka uu sameeyay Ra’isulwasaare C/weli, waxa uuna arrin khaldan ku sheegay in lagu dhiirado in shaqsi la qincinaayo dartiis loo baal-maro dastuurka dalka u degsan.

Dhanka Xildhibaan Cabdi Ladhiif ayaa qalad u tilmaamay in wasiirada lagu kala tilmaamo kuwo shaqsiyaad ay kala keensadeen, taa oo uu ku micneeyay in ay tahay mid sharciga ka hor imaan karta.

Waxa uu ka digay in Madaxweyne Xassan uu faragaliyo howlaha khuseeya Ra’isulwasaaraha dalka, isagoona amaanay geesinimada uu ku sameeyay isku shaandheynta.

Haddalka Xildhibaan Cabdi ayaa imaanaya iyadoo maalinimadii shalay uu R/wasaaraha dalka ku dhaqaaqay isku shaandheyn isagoo tixraacaya waxa uu qabo dastuurka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com