Ethiopia oo qeyb ka noqotay Khilaafka Xasan iyo C/Weli iyo warqad ay dirtay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka Ethiopia ay soo gaartay Xafiiska Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed.

Warqada ayaa la sheegayaa inay ku qorantahay Amar ku socda Ra’isulwasaare C/weli oo ku aadan inuu ka laabto go’aanka uu Wasiir Faarax C/qaadir xilka uga qaaday, waxaana la Tilmaamayaa in warqadaasi ay Dowlada Ethiopia ku hor istaageyso Isku shaandheynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Nuqul kamid ah warqadaasi ayaa waxa ay u qorneed sida tan “Dowlada Ethiopia marnaba uma dulqaadan doonto in xil ka qaadis ama bedel lagu sameeyo Faarax C/qaadir, haddii arrinkaasi aadan ka laaban waxa ay siyaasadu cagta la galeysaa mid ay Ethiopia kula laaban doonto kalsoonida ay u heyso Dowlada Somalia, waxan cadeyneynaa in Faarax C/qaadir uu yahay mas’uul kaalin ku leh hanaanka Siyaasadeed ee Somalia waana lagama maarmaan in Isku shaandheynta laga laabto, Faaraxna xilkiisii hore lagu soo celsho”.

Sidoo kale, qoraalka warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Ethiopia ayaa waxaa kamid ahaa ”Ethiopia dano gaar kama laha Somalia balse waxaa sharaf u ah in Somalia dhowr sano kadib ay hesho dowlad lagu naalooda waana lama huraan inay la socto Siyaasadaha Somalia, Amniga iyo horumarka ka taagan Somalia”

Warqadaani ayaa waxa ay imaaneysaa iyadoo Khilaaf baaxad wey uu xiligaani ka dhex taagan yahay Madaxweyne Xassan sheekh iyo Ra’isulwasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed, waxaana la Tilmaamayaa in sidoo kale ay jiraan Warqado kale oo kasoo kala baxay Ugandha, Jabuuti iyo Burund oo gabi ahaanba ku socda Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli kuwaasi oo la aaminsan yahay inay iyana ku qoran yihiin Canaan labada Mas’uul ku socta laguna doonaayo in lagu qaboojiyo Siyaasadaha kacsan ee xiligaani ka taagan Villa Somalia.

Dhanka kale, waxaa la aaminsan yahay haddii uu sii socdo Khilaafka Labada Mas’uul inuu saldhigan doono bur-bur Dowladeed iyo inay lunto Kalsoonida Somalia kala dhexeyso dowladaha caalamka intooda kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com