Xog: C/Weli oo loo diiday Villa Somalia iyo khilaafka oo gaaray heer caalami ah

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Villa Somalia ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah madaxtooyada Somalia ay Ra’isul wasaaraha dalka si ku-meel-gaar ah uga sheegeen inaanu iman Villa Somalia.

Go’aankaani ayaa la sheegayaa inuu soo baxay xalay, iyadoo aan la Ogeyn Ujeedka go’aankaasi laga damacsan yahay, balse loo maleynayo mid loogu tala galay in looga hortago xiisad iyo gacan ka hadal ka dhacay Villa Somalia.

Warar aan lagu kalsooneyn ayaa sheegaya in muddo toddobaad ah uusan R/W C/Weli booqan karin Madaxtooyada sababo la xiriira xiisadda siyaasadeed ee ka dhex dhalatay isaga iyo Xasan Sheekh, lagana cabsi qabo inuu faraha kasii baxo.

Sidoo kale, Wufuud ka kala socta Britain, Mareykanka iyo qaar kamid ah wadamada deeq bixiyayaasha xarumaha ku leh Magaalada Muqdisho ayaa go’aankaani soo saaray, waxa uuna Ra’isul wasaaraha ku ekaan doona hooygiisa, oo ku dhow Villa Somalia, inta ay socdaan kulamo xasaasi ah oo ay wada qaadanayaan Madaxweyne Xasan iyo wufuudaasi kulankaasi oo ku saleysan Khilaafyada ka dhex taagan labada Mas’uul iyo in dhinac loo rido siyaasadaha is diidan.

In laga gudbo Khilaafka ka dhashay isku shaandheeynta ayaa waxaa iminka ka shaqeynaaya Wafdigaasi, waxaana la filayaa in go’aan deg deg ah uu kasoo baxo kulamadaani, kaasi oo udub dhaxaad u noqon doono Labada Mas’uul si looga gudbo mushkiladdan cusub.

Arrintaani ayaa timid kadib markii Madaxweynaha uu ra’isul wasaaraha ku eedeeyay wada tashi la’aan iyo in si isdabajoog ah usoo saaro go,aano tashwiish ku abuuraya geedi socodka dawlnimada iyo wada shaqeynta hay’adaha dawliga ah, taasoo sida warsaxaafadeedka lagu sheegay xadgudub ku ah awoodaha dawliga ah ee madaxweynaha iyo dastuurka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com