Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Kenya, ayaa waxaa saakay lagu dilay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka gadaal markii rag hubeysani ay ugu daadatay.
Xildhibaanka hore oo lagu magacaabi jiray Philip Godana, ayaa lagu dhex dilay hoygiisa oo ku yaala xaafada Syokimau. Lamana garanaayo waxa keenay in la dilo.
Xilligii la dilaayay ninkaasi, ayaa waxaa guriga kula sugnaa xaaskiisii iyo saddex caruur ah oo uu dhalay. Afadiisa iyo caruurtiisa waxaa la xaqiijiyay inaanay waxyeelo ka soo gaarin weerarkaasi.
Ragga weerarka geystay oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay burburin ka geysteen hoyga ninka la dilay. Goobaha ay dableydu burburisay waxaa la rumeysan yahay inay kaga daateen hoygaasi. Wararka waxay kaloo sheegayaan in raggaasi ay dhac ka geysteen hoyga.
Warbaahinta Kenya, ayaa waxay baahisay in Philip Godana laga soo dooran jiray deegaanka Moyale. Moyale waa magaalo ganacsi, waxayna ku taallaa xadka kala qaybiya dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Laamaha ammaanka Kenya wax war ah kama aynaan soo saarin dilka ninkaasi, marka laga soo taggo hay’adda dembi baarista oo baaritaano ka wada hoygii u ka deganaa Magaalada Nairobi.
Sabtidii hore, ayay ahayd markii wado ku taala Bartamaha Magaalada Nairobi lagu dilay Xildhibaan George Muchai, oo ka tirsanaa Baarlamaanka Kenya, iyadoo lala dilay laba nin oo ilaalo u ahayd iyo darawalkiisii.




