Xildhibaan Prof. Dalxa oo su’aal cajiib ah ka keenay go’aankii dowlada Kenya

Muqdsho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cajiib ah kaga hadlay amarka dowladda Kenya ee ku aadan in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho lagu baaro magaalada Wajeer.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in diyaaradaha Nairobi tagaya lagu baarayo magaalada Wajeer, isaga oo sheegay in arintaasi looga jawaabi karo in diyaaradaha ka yimaada lagu baaro meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Wuxuu su’aal ka keenay in haddii Kenya ay dooneyso in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ku baarto magaalada Wajeer, Maxaa ku jaban in diyaaradaha ka yimaada magaalada Nairobi lagu baaro gobolka Baay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in lagu baari karo garoonka diyaaradaha ee Bali doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

“Maxey idinla tahay, haddii Dayaaradaha Nairobi tagaya lagu baaro Wajeer, kuwa Kenya ka imaanayana Bay ama Bali-doogle lagu soo baaro.?”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo baarlamaanka kamid ah.

Dowladda Kenya ayaa ka baxday heshiis ay horey ula jiray dowladda Soomaaliya kaasi oo ahaa in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ay si toos ah u tagayaan magaalada Nairobi.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay arintaan ayaa sheegtay inay tahay mid siyaasadeysan, islamarkaana ay baarayaan waxyaabaha keenay in Kenya go’aankaasi ay qaadato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com