Xildhibaan Xoosh Jabriil: Mooshinka waa sharci

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Xoosh jibriil , oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha ayaa sheegay in “mooshinka uu yahay mid sharci ah “waxaa uu ka sii ahadlay xildhibaanadii shalay kahadlay arinta mooshinka uu ku shegay in ay meel fiican ay maresyo

Waxaan halkan ka cadenayaa in go’aanka shalay ay gaareen xildhibanadii oo lahadlay saxaafada hada waa ay ka soo labteen tiro ahaana waxay ahayeen 4xildhibaan mar wax laga weydiiyey xildhibaan xoosh oo ay aheyd hada mooshinka halkee buukudanbeeyaa ?

Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa ku jawabay mooshinka arintiisa mel fiican ay mereysaa waxaan rajeynaynaa in aaan guuleysan doono ayuu yiri xildhibaan xoosh.

Waxaa uu ka sii hadlay in uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu caga jiid ku sameenayo in Maxkamada sare ee Dalka loo Gudbiyo mooshinka si ay maxkamada u cadeyso eedeemaha ku qoran mooshinkaasi.

Ujeedada waxay ahayd in xukuumadda la tuso in dastuurka lagu dhaqmo oo aan lagu dhaqmin sharci darro, wixii laga rabay la fuliyo oo wadanka la gaarsiiyo doorashooyin. Balse tan waxay cadeynaysa in Xukuumadda ay fashilantey oo la rabo in mudo kororsi la sameeyo.

“Hadda sida loo wada jeedo si sharci darro waxaa gacanta ku dhigay howsha Xukuumaddii madaxtooyada oo jebiyey qodobkii 97-aad ee dastuurka oo dhigaya” ayuu yiri.

Xoosh ayaa shegay waxaa muhiih ah in lala xisaabtamo hay’adaha dowlada waxaana doneynaa in dalka uu helo isbedel muuqdo oo lataban karo ” ,’’ ayuu yiri. mr xoosh

Hadalka kasoo yeeray Xildhibaankan ayaa imaanaya xili Gudoomiyaha Baarlamaanka Qoraal uu dhawaan soo saaray ugu baaqay Xildhibaanada wada mooshinada iska soo horjeeda in wadahadal lagu dhameeyo Mooshinka, waxaana qoraalkaasi kasoo horjeestay Xildhibaanaa mooshinka ka gudbiyay Maaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com