XOG: US oo dhaqaatiir u tababaraysa AMISOM.!

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Maraykanka ee magaallaadda Kampaala ayaa sheegtay inay Koox ka tirsan Milliteriga Maraykanka u yimaadeen Uganda, si ay Tababar Caafimaad u siiyaan Milliteriga dalkaasi.

Kooxda Maraykanka ayaa la sheegay inay Waaxda Caafimaadka ee Ciiddanka Uganda siinayaan Tababarka Qaliinka Guud iyo sida wax loogu qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Askarta Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Danjiraha Maraykanka u jooga Uganda, Scott H. DeLisi ayaa sheegay inuu Tababarkaasi ka furmi doono Degmadda Jinja mudadda u dhexeysa bishan September 14-da ilaa 25-da.

Waxa uu tilmaamay inuu Tababarkaasi xoojinayo Xiriirka Maraykanka iyo Uganda, iyadoo iskaashigaasi sare u qaadayo Deganaanshaha iyo Ammaanka Guud ee Qaaradda Afrika.

Xigasho: New Vision

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com