XOG: Heshiis qarsoodi ah oo dhex maray XASAN Sheekh, Cumar Cabdirashiid & Axmed Madoobe

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya heshiis hoose oo dhex maray madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ku saabsan xal u helidda muranka ka taagan Baarlamaanka Jubba.

Heshiiska ayaa ah mid dhinac marsan go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ku laalay sharcinimada Baarlamaanka Jubba iyadoo doorashadii Axmed Madoobe ay ka gaabsatay xukuumadda iyo madaxtooyada ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa socday qorshe lagu doonayo in Baarlamaanka Jubba lagu daro 20 xubnood si loo qanciyo beelaha gadoodsan oo ay ugu horeeyaan Mareexaan iyo Digil & Mirifle.

Axmed Madoobe ayaa ogolaaday arrintan kadib markii uu xaqiijiyay in la doortay oo aanay isagu wax saameyn ah ku yeelaneynin kordhinta Baarlamaaka Jubba isagoo markii hore diiday intii aanay doorashada dhicin oo cabsi weyn uu ka qabay inay taasi saameyn ku yeelato dib u doorashadiisa.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa olole weyn ugu jira in xubnaha lagu darayo Baarlamaanka Jubba, oo uu Axmed Madoobe ku dhowaaqay maanta ay siiyaan dhinacyada ka horjeeda Axmed Madoobe iyadoo culeys lagu saarayo inay la heshiiyaan, iyadoo caleemo saarkiisuna ay ka qeyb geli doonaan madax uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Axmed Madoobe iyo beeshiisa ayaa si buuxda u taageeray madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo xildhibaanada Beesha Axmed Madoobe ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com