Xildhibaan Zakariye oo ka hadlay diyaaradihii Drones-ka ee ay NISA kala wareegtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah xubnaha waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa war ka soo saaray diyaaradihii uu ka keenay dalka Turkiga ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay la wareegtay hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in diyaaradahaas oo lagu waraabiyo beeraha, cayayaankana looga dilo, ay si sharci darro ah kula wareegtay hey’adda Nabad sugidda, kadib markii uu ka soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

“Dayuuradaha iswada “Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha, sida buufinta Ayaxa iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fatahaan, ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Zakariye.

Xildhibaanka ayaa codsi uu u diray NISA waxuu ku yiri, “Waxaan ka codsaneynaa hay’adda NISA inay hantidaas ay leedahay shirkadda Hufan, looguna talogalay in loogu adeego beeraleyda Soomaaliyeed ay si deg deg ah ugu soo celiso gacanta Shirkadda Hufan.”

Ka hor hadalkaan ka soo yeeray Xildhibaan Zekeriye, Caasimada Online ayaa baahisay in NISA ay garoonka Aadan Cadde ku qabatay diyaarado Drones ah, kuwaas oo Turkiga laga soo iibiyey.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysaa in diyaaradaha ay yihiin illaa lix xabo, dalka Turkiga ayaa laga soo iibiyey, waxaana diyaarad lasoo saaray ayagoo kala furfuran, si gudaha dalka loogu rakibo.

Waxaa sidoo kale diyaarada la socday oo NISA ay qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliyaan. Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii daayey kadib markii ay kiiskooda soo faro-gelisay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaaliya, oo la hadlay Caasimada Online, balse codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, ayada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo keenay dalka.

Hoos ka eeg sawirrada diyaaradaha la qabtay