Xildhibaanada mucaaradka oo qaab khaldan u adeegsanaya kiiska CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya Xildhibaanada Mucaaradka ee sida aadka ah uga faa’iideysanaaya kiiska weerarka CC Shakuur ee hadal heyntiisu badatay.

Xildhibaanadan oo aad uga soo horjeeda talaabooyinka ay qaadeyso dowlada ayaa kiiskaas u adeegsanaaya kacdoonka ay ku hayaan dowlada.

Xildhibaanadan oo ay kamid yihiin Mahad Salaad, Xasan Macalin, Axmed Fiqi iyo Abshir Bukaari, ayaa u muuqanaaya kuwo ka dheereeyay CC Shakuur oo lagu heysto kiisas weli ku jira mugdi oo aan la turxanbixin.

Qaar kood ayaa ka hordhaca dacwada CC Shakuur, waxaana mararka qaar moodeysaa inay yihiin Afhayeeno ku hadlaaya afka Siyaasiga ay dacwadiisa weli ka furan tahay Maxkamada Gobolka Banaadir.

Xildhibaanada qaar ayaa xiliga ay la hadlayaan warbaahinta Dacwada CC Shakuur ku dhex qasa arrimahooda gaarka ah, kuwaa oo muujinaaya in dacwadu tahay mid ay uga faa’iideyanayaan dhibka ay ku hayaan Qaranka.

Xeer ilaaliayah Qaranka Axmed Daahir, ayaa aaminsan in dhinacyada Mucaaradka ay marin habaabinayaan xaqiiqda Dacwada isla markaana kiiskaas looga faa’iideysanaayo dano gaara.

Waxa uu Xeer ilaaliyaha ku celcelshay inay kala garan la’ yihiin dacwada furan inay tahay mid khuseysa CC Shakuur iyo mid lagu soo oogay Xildhibaanada kala ah Mahad Salaad, Xasan Macalin, Axmed Fiqi iyo Abshir Bukaari.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mugdi sii galaaya Dacwada CC Shakuur oo ay kasoo baxayaan warar is khilaafsan oo aan sal dhigan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com