Xog: Xildhibaano dano siyaasadeed ku lifaaqay dilkii xildhibaan Madoobe

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beelaha Ujeejeen Cismaan iyo Duduble ayaan wali wax xal ah ka gaarin dilkii dhowaan Muqdisho loogu geystay xildhibaan Madoobe Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamanka Gal-Mudug, marxuumka ayaa waxaa toogtay ilaaladda xildhibaan Maxamuud Abuukate oo ka tirsan Baarlamanka Somalia.

Xildhibaan Maxamuud Abuukate wuxuu ka tirsan yahay xildhibaanadda aadka u mucaaradsan Dowladda madaxweyne Farmaajo, dilka markii uu dhacay kadib labadda beelood ayaa dhowr gogol isugu yimid si arinta looga xaajoodo ,laakiin wali wax xal ah lagama gaarin.

Sababta ilaa hadda arintaan u cakirantahay ayaa sabab looga dhigay xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas oo ka tirsan Aqalka Sare iyo xildhibaanad Ikraan Aadan Absuge oo iyaduna ka tirsan Baarlamanka Somalia, labadaan xildhibaan oo kasoo wada jeeda beesha Duduble gaar ahaan Maqlisame ayaa raba in xildhibaan Abuukate dambi lagu soo oogo xasaanadana laga qaado si loo maxkamadeeyo.

Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas iyo xildhibaanad Ikraan Aadan Absuge ayaa ka mid ah xildhibaanadda aadka ugu dhow xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre.

Mid ka mid ah nabadoonadda beesha Duduble ee ka qeyb galay kulanka kaas oo diiday inaan xigano magaciisa ayaa sheegay in Senotor Dhagey Geele Ugaas uu hor istaagay in xeer dhaqan lagu dhameeyo arinta isagoo ay u muuqato cadaawad kale oo siyaasadeed oo kala dhaxeysa xildhibaan Abuukaate.

“Hadii aan u hadlo odey ahaan, walaalkeen Madoobe waa dhintay, labadda reer ee Duduble iyo Ujeejeen Cismaan waaa dad walaalo ah, waxaa ka dhaxeyn jiray xeer iyo iney diyo kala qaataan ,laakiin siyaasiyiinteena ayaa diidan arintaas, odayaashii arinta waday inta badan laaluush ayaa la siiyay qaarna waa loo hanjabay si kiiska ay uga baxaan oo dacwo loo furo, runtii waa ka xunahay arintaas ayuu yiri nabadoonkaas diiday inaan magaciisa isticmaalno.

Dhinaca kale xildhibaan Abuukate ayaa la sheegay inuu arintaan cudur daar ka bixiyo uuna diyaar u yahay inuu si walba u qanciyo beesha Duduble, Ugaaska beesha Ujeejeen ayaa isna sheegay inuu rajeynaayo in wax walba wanaag lagu dhameeyo.

“Dad badan ayey la yaab ku noqotay in xildhibaanadda Duduble ay ka boodaan xeerkii Hiraab lagu dhaqi jiray oo ay arinta siyaasad ka dhigaan, gaar ahaan arinta nuucaan ah marna kama fileyn xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas ayuu yiri Maxamed Cali Hurdaaye oo ka mid ah wax garadka beesha Mudulood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com