Xildhibaanada oo u diyaargaroobaya doorashooyinka madaxweynaha

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka Mudane Cabdiraxmaan Beyle ayaa shaaciyey in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisu ay dhaceyso 11ka iyo 12ka Janaayo 2016, tanoo ka dhigeysa in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyadana la qabanayo bishan gudaheeda. Sidaas daraadeed, ayaa waxaa Muqdisho ka socda dhaqdhaqaaq aad u xoogan oo xildhibaanada lagu kala kasbanayo.

Bacdamaa sharuudaha laga dhigay 30 kun oo doolar iyo saxiixa 20 xildhibaan ayaa la rajeynayaa in musharaxiinta intooda badan aysan buuxin karin sharuudahan, tanoo ka dhigan in tartanka uu sii xoogoobo. Ilaa iyo hadda waxaa muuqata in musharaxiin fara badan oo aad u firfircoonaa uu ku yimid gaabis. Waxaa dhowaan soo gaaray Madaxweynihii hore ee dalka Mudana Shariif Sheekh Axmed oo mar uu saxaafada kula hadlayey warbaainta ka muuqatay caro, xanaaq isla markaasna uu hal mar afka furtay eedeyn culusna dusha uga tuuray Dowladda hadda jirta. 4 sano oo uu aamusnaa waxaad moodaa in sababta ka careysiisay kuna kaliftay inuu inkiro dadaalkii 4ta sano iyo horumarka uu dalka ku tallaabsaday ayaan la ogeyn sababta.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sii xoojiyey ololihiisa doorashada, xoogana saaray beelaha Daarood iyo sidii Cabdirishiid Xidig looga reebi lahaa tartanka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Habeenkii Isniinta ee 2da Janaayo ayaa waxaa isna xaflad daahfur u ah musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud lagu soo bandhigay Muqdisho oo TV-yada iyo Idaacadaha ay si toos ah u tabinayeen. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxuu soo bandhigay waxqabadkiisa, howlaha u baahan dhameystirka iyo ballanqaadkiisa ku aadan 4ta sano ee soo socota. Xildhibaanada labada Aqal ayaa si xoog leh xafladaas uga qeybgalay tanoo keentay in ololaha Xasan Sheekh uu cirka isku sii shareeray lana aaminsanyahay inuu wareega koowaad heli doono 160 xildhibaan tanoo rajobeel ku ridi doonta musharaxiinta kale bacdamaa ay qeybsanayaan tirada kele. Guddiga Oloalaha Xasan Sheekh ayaa aminsan inay heli karaan codad aqlabiyad leh oo keeni kara inaan loo baahan wareeg labaad oo macnaheedu yahay 2/3 codadka labada Aqal.

W/Q: Cabdi Axmed Mataan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com