Xildhibaanka Waceysle ee Galmudug oo xaqiiqda ka sheegay muranka hareeyey kursiga Yaasiin Farey (Daawo)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mukhtaar Macalin Cabdullahi oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug, kuna metela beesha Waceysle ayaa sheegay in la boobay kurigoodii baarlamaanka federaalka ee Hop067, kaas oo dhawaan uu ku soo baxay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey.

Xildhibaan Mukhtaar Macalin ayaa sheegay in doorashadii Yaasiin Farey aan loo marin sifo sharci ah, isagoo cadeeyey in saxiixihii kursiga iyo dhamaan beesha lagala cararay doorashadii kursigooda, taasna aysan aqbali doonin.

“Waxaan cadeynayaa nabadoon guud ayey beeshu leedahay Cali Xasan (Cali Jeesto) ayaa la yiraahdaa, waa saxiixaha beesheenna, mana qabno saxiixe kale, nin jeebkiisa kala soo baxay waa gooni,” ayuu yiri.

Mukhtaar Macalin ayaa sheegay in mudo laba jeer ah uu xildhibaan ka soo noqday Galmudug uu kursigiisa saxiixay Nabadoon Cali Jeesto, sidoo kale xildhibaan Cadow Cali Gees oo kursiga lagu muransan yahay ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay ayuu sheegay inuu u saxiixay Nabadoon Cali Jeesto.

Sidoo kale Xildhibaan Mukhtaar Macalin ayaa sheegay in si joogto ah ay u wada xariirayeen Nabadoonka oo ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo ka tashanaayey doorashada iyo sidii loo hagi lahaa.

“Waxaan qeybineynay Ergada beesha oo waan qeybinay, waxaan isku geynay odayaashii, saxiixihii iyo ergadii, illa hadda dhamaantood Xamar ayey joogaan oo hal qof Dhuusamareeb ma uusan tegin,” ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Macalin oo baarlamaanka Galmudug ku metela beesha Waceysle.

“Qaraabadeydu runta ayey rabtaa, nabadoonka saxiixa kursigeenna golaha shacabka waa Cali Jeesto, waxaan cadeynaa anigoo ah xildhibaanka beesha oo Dhusuamareeb joogay, in doorashadii kursigaas loo maray wado qaldan,” ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Macalin.

Sidoo kale Xildhibaanka oo fariin u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ugu mana-sheegtay inuu doortay mudo laba jeer ah, “Anigoo Dhuusamareeb kula jooga in kursiga beesheyda aadan igu tix-gelin oo aadan igala tashan waa arrin agtaada taalla madaxweynow,” ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Macalin.

Beesha Waceysle ayaa aad u diiday inay aqbasho in kursigaas loo dhaco Yaasiin Farey, waxgaradka qaar ee beesha waxay cadeeyeen in Yaasiin aysan u diidaneyn kursiga, balse ay qaadan la’yihiin in xaqooda lagu hor boobo.

Dhawaanahaan waxaa Muqdisho ka socday kulamo waaweyn oo ka dhan ah boobka kursigaas, waxayna beesha Waceysle ku goodisay inay isaga baxayso Galmudug, hadii aan lagu tix-galin xaqa ay u leeyihiin inay u tashadaan oo soo xushaan dadka ku metelaya kuraasta ay u heleen awood qeybsiga.

Hoos ka daawo Xildhibaan Mukhtaar Macalin