Xoogagga Al-Shabaab oo gubay gaari dameero raashin u waday magaalada Waajid

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee koonfurta dalka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay maanta dab xoogan qabad-siiyeen gaari Dameero raashin waday, kuna sii jeeday Waajid oo ay horey u go’doomiyeen.

Ilo dadka dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in illaa 9 gaari Dameer ay gubeen xoogaga Al-Shabaab, iyaga oo u galay waddo ku taalla duleedka degmadaasi.

Gaari Dameerada la gubay ayaa sidday raashin noocyo kala duwan leh, waxayna ku socdeen gudaha magaalada, si ay u gaarsiiyaan raashinkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dileen Dameeradii raashinka sidday, hayeesheen waxaa goobta ka baxsaday dadkii waday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in falkaasi, kadib ay ku baxeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo howl-gallo ka sameeyey nawaaxiga magaalada Waajid.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana tallaabada ay qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab ay saameyn ku reebtay dadka deegaanka iyo ganacsatada lahaa raashinka.

Ma’ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Waajid iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.

Bakool ayaa ka mid ah gobollada dhaca koonfurta dalka, isla-markaana ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii