Al-Shabaab oo weerar ku dishay saraakiil Kenyan ah

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab Sabtidii shalay ka fulisay qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bare ee waddanka Kenya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday gaari xamuul ah oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada Booliska Kenya oo marayey gobolka Waqooyi Bari.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan laba sarkaal oo ka tirsanaa Booliska Kenya, halka ay ku dhaawacmeen 12 askari oo kale.

Taliyaha booliiska ee gobolka Waqooyi Bari, Rono Bunei ayaa sheegay in gaariga la weeraray uu kasoo baxay degmada Rhamu, kuna sii jeeday Mandera, isaga oo xusay inay ciidamo dheeraad ah u direen goobta, kuwaas oo howl-gallo ballaaran ka bilaabay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in askarta dhaawacyada ah loo duuliyey dhanka magaalada caasimada ah ee Nairobi, isla-markaana la seexiyey isbitaal.

“Dadka dhaawacmay waxaa loo duuliyay Nairobi, halkaas oo la seexiyay isbitaal, saraakiil kale ayaa hadda ku sugan aagga ay ku baacsanayaan dagaalyahannada,” ayuu yiri Bunei.

Gaariga la beegsaday ayaa siday raashin loogu tala-galay ciidamada Booliska ee ka howl-gala deegaanada gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya ay la leedahay dalkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii