Qorshe culus oo Al-Shabaab ay damacsan tahay bishan oo shaaca laga qaaday (Aqriso)

Kampala (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah wadamada Africa ayaa la sheegay inay damacsan tahay qorshe baaxad leh oo weeraro saf mareen ah loogu qaadayo  ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

Weerarada ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay qorsheeneyso inay ku ekeyso saldhigyada ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin gudaha Soomaaliya inta lagu guda jiro ciida Kirismiska ee dabayaaqada bishan December.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda, General Peter Elwelu ayaa ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadaama sida uu sheegay Al-Shabaabka ay ka faa’ideystaan xilliga ciidaha ayna fuliyaan weerarada ka dhanka ah AMISOM.

General Elwelu ayaa dardaarankaan ka sheegay xaflad tababar loogu soo xirayey illaa 2,500 Askari kuwaas oo tababar ku qaatay Xarunta Tababarka Taageerada Nabadda ee Singo ee Degmada Nakaseke ee bartamaha Uganda.

Taliyaha ayaa u sheegay ciidamada in Beesha Caalamka ay si dhow ula socoto tallaabooyika ay qaadayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan ee Soomaaliya, wuxuuna kula dardaarmay inay si dhow ula shaqeeyaan wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya.

Dhinaca kale, Gen Bonny Wolimbwa oo ah taliyaha xerada tababarka ee Singo ayaa sheegay in ciidamada tababarka loo soo xiray ay buuxiyeen shuruudihii ay uga mid noqon lahaayeen howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

General Bonny ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo dhaqanka Soomaalida, islamakaana ay muujiyaan cashiradii ay xiradaan kusoo qaateen.

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa Soomaaliya ka socdo muddo 15 sano ah, welina lama gaarin ujeedadii loo keenay oo aheyd inay meesha ka saaraan awoodda kooxda Al-Shabaab oo hadda u muuqato inay tahay awood weli jirta oo aan laga adkaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii