Garowe (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi uu ku geeriyooday mid kamid ah xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.
Alle ha u naxariistee xildhibaanka ayaa xalay fiidkii ku qaxweynayay mid kamid ah hoteelada magaalada Garowe oo uu kusugnaa.
Laakiin qaar kamid ah saaxiibada xildhibaanka la joogay ayaa sheegay in fiidkii hore xildhibaanka uu ka cabanayay xanuun dhanka beerka ah.
Waxaa xildhibaanka oo lagu magacaabo Daahir Xaaji Geelle laga soo doortaa deegaanada gobolka Sanaag.
Xildhibaanka ayaa xalay waqti dambe u geeriyooday xanuunadii fiidka uu dareemayay.
Daahir Xaaji Geelle Faarax ayaa Doorashadii ka dhacday Magaalada Garowe ee Xildhibaanimada loogu doortay waxa uu helay codad dhan 46 cod oo uu ku soo baxay.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

