Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ka dhacday magaalada.
Israsaaseynta ayaa ka dhacday saldhiga Miir ee magaalada Gaalkacyo, waxayna u dhaxeysay ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland oo kuwada sugan magaalada.
Ku dhawaad seddex askari oo kamid ah labada dhinac ayaa ku dhintay dagaalka kooban ee saaka ka dhacay magaalada, waxaana xaalada tahay mid kacsan.
Gudiga xabad joojinta magaalada Gaalkacyo ee dhawaan la dhisay ayaa sheegay iney ku howlan yihiin sidii xiisada loo qaboojin lahaa oo aysan u gaari laheyn meelo kale.
Xaalada magaalada ayaa yara kacsan, waxaana ciidamada aan laga kala qaadin aaga saldhiga Miir iyo Suuqa Darxumo ee magaalada Gaalkacyo.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

