Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee aqalka sare ugu midka ah maamul Koonfur Galbeed ayaa lagu dhex arkay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaasi oo qaarkood degan yihiin.
Xubno ka tirsan xafiiska madaxtooyada ayaa Caasimada Online u xaqiijiyeen sugnaanshaha warkaasi, inkastoo ay ka gaabsadeen inay sheegaan tirada rasmiga ah ee xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya u madalaya Koonfur Galbeed.
Jiritaanka warkaani ayaa dhabar jab ku ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo damac siyaasadeed cusub lasoo baxay, isagoo isku sharxay inuu yahay musharax madaxweyne xili uu xilka maamulkaasi uu haayo, dastuuriyana ay tahay sharci daro in adigoo xil haayo isu sharaxdo xil kale.
Shariif Xasan ayaa sidoo kale wada qorshe ah in guddoomiyaha baarlamaanka markaan isku soo sharxo siyaasi kasoo jeeda beelaha daarood, gaar ahaan beesha Ogaadaan, waana Cabdi Wahaab Ugaas
Xildhibaanadan ka tirsan aqalka sare ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa casuumaad ay ka heleen Madaxweyne Xasan Sheekh, halkaasi oo abaabul ay ka wadaan oo ku aadan soo xera gelinta xildhibaanada kale ee aqalka sare iyo hoose laga soo doortay Koonfur Galbeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

