29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Xildhibaanno laga soo doorto Koonfur Galbeed oo la saftay DF kadib go’aankii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Koonfur Galbeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa garab-istaag u muujiyay Dowladda Federaalka, kadib markii uu maanta xiriirka u jaray madaxwayne Laftagareen.

Xildhibaannadan oo mucaarad ku ah hoggaanka Koonfur Galbeed ayaa madaxweynaha maamulkaas ku eedeeyay in uu ku kacay dambiyo dagaal, musuq-maasuq iyo maamul xumo baahsan, sida ay ku caddeeyeen qoraalkooda.

Sidoo kale, xildhibaannadan ayaa ugu baaqay dowladda dhexe in ay tallaabo deg-deg ah ka qaado Koonfur Galbeed, isla markaana ay farogelis, si loo badbaadiyo maamulka, loogana qabto doorasho heshiis lagu wada yahay.

“Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed waxay ugu baaqayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah u farageliso go’aanka uu maamulkaas qaatey meelna looga soo jeesto si shacabka hoggaanka ay rabaan u doortaan, doorasho kasta ay ku heshiiyaana lagu qabto, sidoo kale Dowladda Federaalka u ilaaliso federaaleynta, oo ay hirgeliso doorasho deg-deg ah, si loo badbaadiyo nabadda, dowladnimada iyo xuquuqda shacabka reer Koonfur Galbeed oo haatan faraha kasii baxeyso”.

Waxaa kale oo ay xildhibaannadu yiraahdeen “Dowladda Federaalka waxaa looga baahan yahay inay qaado talaabo deg-deg ah oo cad, si looga hortago dhibaatooyin dheeraad ah, loona xaqijiyo in Koonfur Galbeed ay hesho nidaam sharci ah, midnimo qaran iyo dowladnimo dhab ah oo shacabka u adeegta”.

Hadalkan ayaa kusoo aadeyso, iyadoo maanta Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqday in gebi ahaanba ay xiriirkii u jiray Dowladda Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu shaaciyay in uu si rasmi ah u joojiyay wada-shaqeyntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay rabshadaha ka dhacay deegaannada maamulkaas iyo xiisadda sii kordheysa.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay ciidamo geysay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaas oo la sheegay in loo adeegsanayo hurinta dagaallo ka dhan ah maamulkaasi.

“Dowladda Federaalka waxay ciidamo ku soo abaabushay deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale wasiiro ka tirsan xukuumadda Dan-Qaran ay ku lug leeyihiin arrintaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed, oo lagu xusay in xukuumadda federaalka ay wax ka jawaab ah ka bixin waysay xiriir ay la sameeyeen.

Si kastaba, ha’ahaatee xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo meelaha qaar ay ka dhacayaan dagaallo toos ah, halka deegaanno kale laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

- Advertisement -

Read more

Local News