Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ku gacan seeray qorshaha DFS ee Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta shirk u yeeshay xildhibaanno iyo siyaasiyiin sheegtay inay ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo si degdeg ah ugu baaqay in la joojiyo dagaall beeleedyada ka socda gobalkaas.

Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ku shiray Muqdisho ayaa sheegay in ay saluugsan yihiin qaabka dowladda u dooneyso in ay ku joojiso dagaallada.

“Marnaba ma raacsanin sida ay DF u wajaheyso xaalka gobolka iyo qorshaheeda ku aadan nabadeyntiisa” ayay yiraahdeen.

Waxay ku baaqeen dowladda in ay ka saarto maleeshiyaadka qabsaday magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose, iyagoona intaas ku daray in dawooyin iyo gargaar la gaarsiiyo dadka ku wax yeeloobay dagaallada.

Waxaa kaloo ay sheegeen in dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ay ku lug lee yihiin gacan seddaxaad kuwaasoo doonaya in gobalka uu ka billowdo dagaallo sokeeye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com