Xildhibaano dacwad adag ka gudbinaya guddoomiye gobol (Maxay tahay dacwada?)

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay facwad ka gudbin doonaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in mudadii ay ku sugnaayen Gobolka Hiiraan isla markaana halkaa kawadeen waan-waanta iyo xalka uusan la shaqeyn Guddoomiyaha Gobolka.

Xildhibaan Jeesow oo kamid ahaa Xildhibaanada gaaray Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in guul ay kusoo dhameysteen xalkii ay u aaden Gobolka Hiiraan, balse waxa uu tilmaamay in Guddoomiyaha Gobolka uu dhagaha ka fureystay xalinta ay wadeen iyo fariimo ay u direen.

Xildhibaan Jeesow waxa uu sheegay in ilaa iyo iminka uu garan la’ yahay sababta keentay in Guddoomiyaha gabay howshiisa uu ula shaqeyn waayay Xildhibaanada, balse waxa uu cod dheer ku sheegay in dacwada iyo sababta uu ula shaqeyn waayay wax ka weydiinayaan Hogaamiyaha maamulka HirShabelle.

Xildhibaan Jeesow waxa uu tilmaamay in socdaalkooda deegaano hoostaga magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan uu ahaa xalinta xiisado taagnaa, Amni darro iyo Nolol xumi heysatay dadka deegaanka, balse waxa uu tilmaamay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uusan la socon xaalada dhabta ah ee Gobolka.

Dhinaca kale, waxa uu cod dheer ku sheegay in Hogaamiyaha maamulka iyo Xildhibaanada ay su’aal ka weydiinayaan sababta keentay in mas’uul haya xil sidaa u weyn uusan hadana kawarqabin shaqooyinkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com