Gefka guddoonka baarlamanka Somalia

Guddoomiye Jawaari wuxuu soo hugtay labadiisa ku-xigeen isagoo ka dhiganaayaI IMPERMEABILE oo ah kan roobka laga hugto asagoo ula jeeda in haddii wax khaldamaan aan kaligiis la eedeyn balse ay ku xigeenadiisa la wadaagaan.

Jawaari waa nin soo bartay qaynuunka, waxaana laga filaayay inuu ka fogaado wax kasta oo keeni kara in qodobada dustuurka qaarkood sidi la doono loo fasiro.(difernt interpretation or reading between lines) Dustuur, shjarci iyo heshiisyada adduunka la kala saxiixdo waxaa laga ilaaliyaa in si ka duwan siduu u qoran yahay loo fasiri karo.  Dustuuyrka qabya-qoraalka Somalida waxaa ka muuqda qaladaad farsamo oo dhaawaci kara jiritaankiisa.

Ma jiro sharci u fasaxaya barlamaanka inuu ka tala bixiyo maqaamka Muqdisho. Qodobada ku xusan dustuurka ee arrintaan ka hadlaya ma ahan kuwo sharci ku saleysan oo la oggolaan karo.  Dustuurku ma aqoonsan yahay in Muqdisho ay tahay gobol ka mida kuwa dalka intiisa kale ka jira oo ay ku nool yihiinn tirada ugu badan ee umadda dalkaan ku abtirsada, mase waa meel dad gaar ah lagu takooraayo oon loo oggoleyn inay iyagu ka tashadaan wax ay ka damacsan yihiin mustaqbalkooda iyadoon lagu qasbin waxa ay dowladu u aragto danaha jiritaankeeda.

Guddoomiye Jawaari ogaaw inay jiraan dad garan kara waxa soo socda, awoodna u leh inay ka gaashaantaan, siiba abaabulka socda oo maalmahaan aad u soo laba kacleeyay, loona arkay mid looga gonleeyahay barakicin  jufa gaara oo ay saansaanteedi billaabatay lagana yaabo inay horseedo burbur iyo balaayo baahsan oo ay wadaan dadka manta dalka hogaanka u haaya.

Gobolka Banaadir ma jirto qof la baraayo waana la wada yaqaan waxa uu ku fadhiyo iyo qiimaha uu u leeyahay ummadda Somaliyeed. Muqdisho waa magaalo Somali oo dhan ka wada dhexeysa, waxayse xaq u leedahay inay sameysato maamul u gaara oo la mida midka gobollada kale. Guddoomiye Tabid sababta uu ku waayay booski uu haayay waa inuu isku dayay inuu sameeyo maamul goboleed la jaan qaadi kara kuwa dalka ka jira, laakin waxaa caddaatay inuu R/wasaare Kheyre u arkay tallaabo isaga si gaar ah u khuseysa marki si hoose loo hadlo

Waxaa u baahan in la qiro in horumarka uu ku tallaabsaday gobolka Banaadir muddadi yareyd uu Taabid joogay waa mid la wada qirsan yahay, laakin waxay fadeexad ku tahay M/weyne Farmaajo iyo R/wasaarihiisa inay wax dan ah ka lahayn  inay Xamar hormarto mar haddii iyaga mashruucooda ay taako ku tahay.  Dembiga kaliya uu galay Taabid waa inuu isku dayay inuu maamul u sameeyo magaalada ..nasiib darro, natiijadi waxay naqatay inay naftiisa manta khatar ugu jirto in laga takhaluso

Magaalada Muqdisho cid loo sheegaayo ma jirto qof walibana waa ka dheregsan tahay…laakin qofki isku daya inuu wadciga ka jira beddelo ama  shacabweynaha ku nool noloshooda khatar geliyo isagoo ilaalinaaya dano shakhsi ah ama mid jufo inay natiijo aan la mahadin ka soo bixi karto.

Haddaba, waxaan Madaxda manta talada dalka heysa u sheegeynaa kana codsaneynaa inay ka fogaadaan ku dhaqanka danaha shakhsiyeed oo wax kasta ka hormariyaan danaha dadka iyo dalka.

Guddoomiye Taabid waa loo gefay waxaana dembigaa dusha saartay R/wasaare Kheyre oo dano asaga u gaara kula diriray lagana yaabo inay meel ka sii fog gaarto maadaama ay arrinti isu rogtay dagaal shakhsi ah ee ka baxsan danta magaalada Muaqdihso. WAA LA HUBAA IN XAMAR XAQEEDA HELEYSO DHAWAA IYO DHEERAABA.

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid