Muqdisho (Caasimada Online) – 60 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay ka soo horjeesteen mooshinkii shalaya laga gudbiyay Xukuumada Federalka Somaliya, iyagoona ku tilmaamay sharci daro.
Ugu yaraan 140 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxay shalay galab mooshinka ka dhanka ah Xukuumada ay geeyeen Xarunta Villa Hargeisa ee Guddoonka Baarlamaanka uu degan yahay, waxayna ku wareejiyeen Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar.
Xildhibaanada ka soo horjeedsatay mooshinkaan, ayaa waxay xalay isugu timid Xarunta Villa Hargeisa oo Villa Somaliya ku dhex taala, waxayna ka soo saareen jawaab adag oo ay ku naqdinayaan mooshinka laga gudbiyay Xukuumada.
Gaba gabadii kulankoodaan, ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Xildhibaanada kala ah Cabdi Barre Yuusuf Jibriil iyo Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale), waxayna sharci daro ku tilmaameen mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.
Xildhibaan Afaraale oo hadalka ku horeeyay, ayaa si adag u sheegay in xaqdaro uu yahay mooshinkaan, isla-markaana aanu ahayn mid socon kara, aynu ku dadaalayaan sidii ay ku burburin lahaayeen.
Afaraale, ayaa wax la aqbali karin ku tilmaamay in Xukuumad kasta oo wax qabad leh mooshin laga keeno, isagoona ka digay in leeska rido Xukuumadaha dalka iyo dadkaba wax u qabanaaya.
Xildhibaan Cabdi Barre, ayaa dhankiisa ku waramaaya inaanu waxba ka jirin mooshinka lagu wado in Xildhibaanada Baarlamaanka loo qaybiyo, isla-markaana ay ku dadaali doonaan sidii is hortaag ay ugu samayn lahaayeen.
Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxay kuu muuqaneyso sida ay ugu dhex milmayn khilaafka daran ee Madaxda Dowladda ku kala dhex jira.
Si kastaba, xildhibaanada mooshinka diidan oo ah 60, ayaa aad uga yar kuwa gudbiyey mooshinka oo ah 140, waxaana adkaan doonto inay Cabdi Weli ka bad-baadiyeen inuu xilka ka dego, haddii cod loo qaado mooshinka. Waxaa kaliya ee u furan ayaa ah inuu soo jabsado qaar ka mid ah 140-ka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

